- AKHRISO:Maamulka iyo wariyaasha warkanews.com oo dhamaan bulshadda soomaaliyeed u diraya hambalyo ku aadan ciida
- AQRISO+SAWIRO:Gudoomiyaha degmadda B/xaawo oo shir gudoomiyay shirka amniga ee degmadaas
- DEG-DEG:Wasaaradda shaqadda Jubbaland oo fasaxday shaqaalihii wasaaradaas+sababta
- AKHRISO:Dowladda soomaaliya oo loogu deeqay diyaarado Dagaal oo casri ah
- AKHRISO:Ciidamo la wareegay deegaan istiraatiiji ah oo katirsan Gobolka Gedo
- AQRISO+SAWIRO:Mas halis ah oo gabdho ku cunay Deegaan katirsan Gobolka galgaduud
- DEG-DEG:Wasaarada amniga jubbaland oo magacaabis samaysay
- AKHRISO+SAWIRO:Imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe oo laga daahfuray degmadda Doolow
Author: Omar
AQRISO+SAWIRO:Wasaarada howlaha guud,dib udhiska iyo guryaynta Jubbaland oo tababar muhiim ah u qabatay howlwadeenada doladda hoose ee degmadda Kismaayo
Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta jubbaland ayaa tababar aqoon iswaydaarsi ah oo ku saabsan hanaanka daraasaynta suurtagalnimada mashaariicda dhismaha degmooyinka jubbaland u qabatay qaar kamid ah howlwadeenada dowladda hoose ee degmada kismaayo,shaqaalaha sasaaradda howlaha guud, iyo xubno ka socday hay’ada dhulka Jubbaland. Kulanka tababarka oo uu daah-furay agaasimaha guud ee Wasaarada Howlaha guud,dib u dhiska iyo guryeynta Jubbaland Cabdishugri Carab ayaa socon doona muddo labo maalmood ah iyado ka qayb-galayaasha ay ka faa’iidaysan doonaan casharro la xiriira hanaanka daraasaynta suurto-galnimadda mashariicda dhismaha nooc-yadooda kala-duwan sida dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah bulshada.
Madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa magaaladda mandera kulan muhiim ah kula yeeshay hay,adaha amniga ee dowladda Kenya. Kulankan oo ka dhacay xerada ciidamada Kenya defence forces (KDFi ee mandera ayaa lagu lafaguray xaalada amni ee ka jirta xuduuda labbada dal iyadoo diirada la saaray xoojinta iskaashiga amni iyo xal u helida dhacdooyinka soo noqnoqday ee ka dhacay xadka magaalooyinka mandheeta iyo beledxaawo. Kulanka Kadib ayuu madaxwayne maxamuud sayid waxaa uu u kicitimay magaaladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaas oo uu uga sii gudbi doono magaalada kismaayo ee caasimada ku meel gaarka ah ee…
Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa u safray magaaladda Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Waxaa uu maalamaha soo socda uu tagi doonaa magaaladda kismaayo.
Ciidanka militariga soomaaliya oo garabwayn ka helaya ciidanka macawiislayda gobolka hiiraan ayaa galabta weerar xooggan ay qasaaro ku gaarsiiyeen maleeshiyada kooxda alshabaab waxaa ay ku qaadeen deegaano dhaca xadka goboladda hiiraan iyo shabeelaha dhexe. Ciidamadaan huwanta ah ayaa weeraro kedis ah ku qaaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada alshabaab waxaa ayna ciidamada halkaasi ku dileen qaar kamid ah kooxda alshabaab iyagoona maydadka ragga ay dileen iyo hubki ay wateen horay uga soo qaatay deegaanada howlgalku ka dhacay. Ciidamada macawiislayda gobolka hiiraan ayaa marar badan fuliyay weeraro ay ku qaadeen maleeshiyada alshabaab waxaana macaawiislayda hiiraan lagu tilmaamay geesiyaal casharo u dhigay…
AQRISO+SAWIRO:Maamulka gobolka ee gedo ee jubbaland,kan degmadda b/xaawo iyo saraakiisha amniga oo shir ku yeeshay xafiiska maamulka degmadda Beled-xaawo
Shir diirada lagu saaray arimaha amniga degmdda b/xaawo kana soo qayb galeen maasuuliyiin heer Gobol iyo heer degmo iyo saraakiisha amniga ciidamada kala duwan ee jubbaland ayaa lagu qabtay xafiiska gudoomiyaha ee degmadaas. Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladaha amni daro ee ay sababeen ciidamo waayadii dambe shacabka ku dhibaataynaayay xabadaha ay magaaladda ka ridayaan. Maamulka degmadda ayaa faray saraakiisha ciidamadda noocyadooda kala duwan in ay ka fogaadaan wax kasta oo carqalad ku noqon kara sugida amniga degmadda ayna si buuxda uga shaqeeyaan ilaalinta shacabka si gaar ah xifdi ta naftooda iyo hantidooda.
AKHRISO+SAWIRO:Beel kamid ah beelaha dego Gobolka Gedo oo Hubkoodii iyo ciidankoodii ku wareejisay Jubbaland
Gudoomiyaha gobolka gedo maxamed xuseen al qaadi,taliye kuxigeenka ciidanka daraawiishta jubbaland ee gobolka gedo cali xasan deer,gudoomiyaha degmadda b/xaawo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa ku dhawaad 60 askari oo horay u ahaa ciidan beeleed kala wareegay xildhibaan hore gurxan oo katirsan xildhibaanada jubbaland. Ciidamadaan ayaa loo diyaarin doonaa ladagaalanka maleeshiyada alshabaab iyo sugida amaanka waxayna qayb ka noqon doonaan ciidamada daraawiishta jubbaland ee ka howlgala Gobolka Gedo.
Guddiga dib udhiska buundooyinka ee gobolka gedo oo fadhigoodu uu yahay magaaladda muqdisho ayaa u mahadceliyay shirkadda Dahabshiil Group oo maalmo ka hor dib udhiska buundooyinka Gobolka ku bixisay lacag dhan $300,00 oo doolar. Deeqdaas ayay sheegeen in ay biloow fiican u tahay howsha dhaqaale aruurinta buundooyinka ee ka socoto dalka gudahiisa iyo dibaddiisa. Maxamed xuseen shiiq xasan oo ah xoghayaha guud ee gudiga dib u dhiska buundooyinka gobolka gedo oo maanta shir jiraa,id ku qabtau degmadda baardheere ayaa bogaadiyay howsha dib u dhiska buundooyinka.
AKHRISO:Maamulka Gobolka Gedo ee jubbaland oo Guddiga Doorashooyinka uga digay inay Doorasho ka qabtaan Gobolkaas
Gudoomiyaha maamulka jubbaland ugu magacaaban Gobolka Gedo maxamed xuseen qaadi ayaa uga digay guddiga doorashooyinka in aysan ka samayn karin wax dhaqdhaqaaqyo doorasho la xeriira hadii ay dhacdana ay dhibaato la kulmi doonaan. Alqaadi ayaa shaaca ka qaaday in loo baahanyahay in doorashadu noqoto mid ay isla ogol yihiin jubbaland iyo dowladda dhexe wixii kasoo harana aysan ahayn wax sharci ah. “Guud ahaan gobolka gedo wax doorasho ku sheeg kama dhacayso” waxaan uga digaynaa xubnaha guddiga doorashada hadii ay isku dayaan talaabadaasi inay cawaaqib xun ay la kulmi doonaan” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka gedo maxamed xuseen alqaadi. Guddiga doorashooyinka ayaa…
Madaxwaynaha maamulka dowlada goboleedka SSC-Khaatumo mudane cabdiqaadir axmed awcali ayaa gudoomiyay shirkii ugu horeeyay ee golaha wasiirada kadib safarkii socdaalnimo ee raysalwasaaraha soomaaliya iyo waftigiisu ku tageen deegaanada dowlada goboleedka SSC-Khaatumo. Safarkaas taariiqiga ah ayaa SSC-khaatumo loogu aqoonsaday dowlada goboleed buuxa. Golaha ayaa bogaadiyay go,aankaas iyo safarkaas taariikhiga ah ee wefdigaas balaaran ku yimaadeen deegaanka. Dhanka kale shirka ayaa diirada lagu saaray arrimaha amniga,difaaca,midnimada iyo siyaasada. Ugu dambayn golaha ayaa go,aamiyay in maamulka Somaliland ee Gobolada waqooyi galbeed ee soomaaliya loo aqoonsado koox gooni goosadka waqooyi galbeed (KGWG).
Waxaa xalay fiidkii degmadda aadan yabaal ee gobolka shabeelaha dhexe laga fuliyay howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidamadda qalabka sida ee soomaaliya iyo ciidamadda maraykanka ee (AFRICOM) si loo cirib tiro qatarta maleeshiyada kooxda alshabaab. Duqayntan oo lagu beegsaday goob ay kooxda alshabaab isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad ayaa xogta hordhaca ah muujinaysaa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogeyaal katirsan kooxda. Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray shacabka. Howlgaladaan ayaa qayb ka ah dadaaladda isdaba jooga ah ee dowladda federaalka soomaaliya ay wado iyadoo kaashanaysa saaxiibadeeda…