Gudoomiyaha maamulka jubbaland ugu magacaaban Gobolka Gedo maxamed xuseen qaadi ayaa uga digay guddiga doorashooyinka in aysan ka samayn karin wax dhaqdhaqaaqyo doorasho la xeriira hadii ay dhacdana ay dhibaato la kulmi doonaan.
Alqaadi ayaa shaaca ka qaaday in loo baahanyahay in doorashadu noqoto mid ay isla ogol yihiin jubbaland iyo dowladda dhexe wixii kasoo harana aysan ahayn wax sharci ah.
“Guud ahaan gobolka gedo wax doorasho ku sheeg kama dhacayso” waxaan uga digaynaa xubnaha guddiga doorashada hadii ay isku dayaan talaabadaasi inay cawaaqib xun ay la kulmi doonaan” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka gedo maxamed xuseen alqaadi.
Guddiga doorashooyinka ayaa waqti hore sheegay in meelaha ay qorshaynayaan inay doorasho qof iyo cod ah ay ka qabtaan ay kujirto Gobolka Gedo.
Dowladda federaalka iyo jubbaland ayaan weli xal ka gaarin muran siyaasadeedka u dhaxeeya oo ka dhashay nooca nidaamka doorashada dalka iyo wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurka.