Gudoomiyaha gobolka gedo maxamed xuseen al qaadi,taliye kuxigeenka ciidanka daraawiishta jubbaland ee gobolka gedo cali xasan deer,gudoomiyaha degmadda b/xaawo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa ku dhawaad 60 askari oo horay u ahaa ciidan beeleed kala wareegay xildhibaan hore gurxan oo katirsan xildhibaanada jubbaland.
Ciidamadaan ayaa loo diyaarin doonaa ladagaalanka maleeshiyada alshabaab iyo sugida amaanka waxayna qayb ka noqon doonaan ciidamada daraawiishta jubbaland ee ka howlgala Gobolka Gedo.