Kulanka oo ahaa bar bilowga nabadaynta wajiga labbaad ee beelaha dirirtu ku dhexmartay degmadda luuq ee gobolka gedo ayaa waxaa shir gudoomiyay madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan waxaana ku wehlinaayay wasiiro katirsan XFS,xildhibaano ka kala tirsan BJFS iyo golaha wakiiladda jubbaland,maamulka degmadda luuq,waxgaradka degmadda iyo odoyaasha dhaqanka beelihii ay shaqaaqadu dhexmartay.
Ugu horayn ugaaska beesha macalin wayne ugaas cali iimaan cabdi iyo salaadiinta beesha ayaa sabeen iyo raali gelin ka bixiyay dagaalkii ka dhacay degmadaas 5-tii bishaan aynu kujirno.
Dhinaca kale malaaqa guud ee beesha gabaawayn malaaq axmed aadan laamoow iyo odoyaasha dhaqanka beesha ayaa aqbalay sabeen xirka iyo raali gelinta iyagoona sheegay inay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabadda.
Ugu dambayntii madaxwayne kuxigeenka jubbaland,wasiiru dowlaha wasaarada deegaanka iyo isbedelka cimilada ayaa odoyaasha dhaqanka labbada dhinac ku adkeeyay in la xoojiyo nabad galyada iyo xasiloonida.