Madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa magaaladda mandera kulan muhiim ah kula yeeshay hay,adaha amniga ee dowladda Kenya.
Kulankan oo ka dhacay xerada ciidamada Kenya defence forces (KDFi ee mandera ayaa lagu lafaguray xaalada amni ee ka jirta xuduuda labbada dal iyadoo diirada la saaray xoojinta iskaashiga amni iyo xal u helida dhacdooyinka soo noqnoqday ee ka dhacay xadka magaalooyinka mandheeta iyo beledxaawo.
Kulanka Kadib ayuu madaxwayne maxamuud sayid waxaa uu u kicitimay magaaladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaas oo uu uga sii gudbi doono magaalada kismaayo ee caasimada ku meel gaarka ah ee maamulka jubbaland.