Ciidanka militariga soomaaliya oo garabwayn ka helaya ciidanka macawiislayda gobolka hiiraan ayaa galabta weerar xooggan ay qasaaro ku gaarsiiyeen maleeshiyada kooxda alshabaab waxaa ay ku qaadeen deegaano dhaca xadka goboladda hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Ciidamadaan huwanta ah ayaa weeraro kedis ah ku qaaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada alshabaab waxaa ayna ciidamada halkaasi ku dileen qaar kamid ah kooxda alshabaab iyagoona maydadka ragga ay dileen iyo hubki ay wateen horay uga soo qaatay deegaanada howlgalku ka dhacay.
Ciidamada macawiislayda gobolka hiiraan ayaa marar badan fuliyay weeraro ay ku qaadeen maleeshiyada alshabaab waxaana macaawiislayda hiiraan lagu tilmaamay geesiyaal casharo u dhigay kooxda alshabaab ee kusugnaa deegaano katirsan gobolka hiiraan.