Madaxwaynaha maamulka dowlada goboleedka SSC-Khaatumo mudane cabdiqaadir axmed awcali ayaa gudoomiyay shirkii ugu horeeyay ee golaha wasiirada kadib safarkii socdaalnimo ee raysalwasaaraha soomaaliya iyo waftigiisu ku tageen deegaanada dowlada goboleedka SSC-Khaatumo.
Safarkaas taariiqiga ah ayaa SSC-khaatumo loogu aqoonsaday dowlada goboleed buuxa.
Golaha ayaa bogaadiyay go,aankaas iyo safarkaas taariikhiga ah ee wefdigaas balaaran ku yimaadeen deegaanka.
Dhanka kale shirka ayaa diirada lagu saaray arrimaha amniga,difaaca,midnimada iyo siyaasada.
Ugu dambayn golaha ayaa go,aamiyay in maamulka Somaliland ee Gobolada waqooyi galbeed ee soomaaliya loo aqoonsado koox gooni goosadka waqooyi galbeed (KGWG).