- DEG-DEG:Gudoomiye C/laahi shimbir oo sameeyay magacaabis kale
- AKHRISO+SAWIRO:Madaxwayne Axmed madoobe oo daahfuray shir muhiim ah
- DEG-DEG:Gudoomiye Cabdulaahi Shimbir oo magacaabis sameeyay
- AQRISO:Faahfaahinta iska hor imaad kooban oo ka dhacay degmadda Beledxaawo ee Gobolka Gedo
- DEG-DEG:Xabad ka bilaabatay degmadda B/xaawo
- AKHRISO+SAWIRO:Qamrigii iyo xashiishkii ugu badnaa oo lagu qabtay degmadda doolow ee Gobolka Gedo
- AQRISO:Faahfaahinta dilka ka dhacay degmadda doolow ee Gobolka Gedo
- DEG-DEG:Dil ka dhacay degmadda doolow ee Gobolka Gedo
Author: Omar
Gudoomiyaha gobolka Gedo ee garabka dowladda federaalka soomaaliya cabdulaahi cabdi jaamac (shimbir) ayaa gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada ee degmadda B/xaawo u magacaabay Ibraahim cabdi aadan. Halkaan hoose ka aqriso warqadda magacaabista ah
Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam (madoobe) ayaa daahfurau shirwaynaha bandhigga maalgashigga dhaqaalaha buluugga ah ee jubbaland. Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa sanadkan hal ku dhig looga dhigay “ kaa faa,iidaysiga dhaqaalaha buluugga jubbaland”. Kulankan oo ay soo qabanqaabsiay wasaarada kaluumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ee jubbaland ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo heli lahaa maalgashi caalami ah iyo mid maxali ah oo lagu horumarinayo qayraadka hodanka ah ee badaha jubbaland. Madaxwaynaha ayaa qudbadiisa ku dhiirigeliyay maalgashadayaasha caalamiga ah,qurbo joogta soomaaliyeed iyo ganacsatada dalka in ay si buuxda uga faa,iidaystaan fursadaha dhaqaale ee jubbaland. Sidoo kale madaxwaynaha wuxuu cadeeyay…
Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee garabka dowladda federaalka soomaaliya cabdulaahi cabdi jaamac (shimbir) ayaa gudoomiye kuxigeenka ambiga iyo siyasada degmadda b/xaawo u magacaabay Maxamed isxaaq cabdi biriq. Halkaan hoose ka aqriso warqadda magacaabista ah
Waxaa goordhaw degmadda b/xaawo ee gobolka gedo isku rasaaseeyay ciidama kala tabaacsan jubbaland iyo dowladd federaalka soomaaliya. Dhacdadaan ayaa dhacday kadib markii ciidan istaaf u ahaa gudoomiye kuxigeenkii dhintay ee degmadda beledxaawo cabdifitaax nuur mataan ay weerareen guriga uu deganyahay gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee garabka maamulka jubbaland Cabdicasiis xareed cabdulaahi. Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogeyaal kusugan degmadda beledxaawo majirto wax qasaare ah oo ka dhashay dhacdadaan,xaalada degmaddaas ayaa ah hada mid degan.
Waxaa hadda xabad xooggan ka socotaa magaaladda beledxaawo ee Gobolka Gedo,faahfaahinta kala soco warkanews.com.
AKHRISO+SAWIRO:Qamrigii iyo xashiishkii ugu badnaa oo lagu qabtay degmadda doolow ee Gobolka Gedo
Ciidanka booliska ee degmadda doolow ayaa daraasiin kartoomo qamri iyo jawaano xashiish ah kasoo qabtay xuduudka ay wadaagaan degmooyinka doolow adow ee gobolka liibaan dowlad deegaanka soomaalida itoobiya iyo doolow soomaaliya xili laga soo gudbinayay wabiga daawo.
Ciidamada booliska ee magaaladda doolow ee gobolka gedo ayaa gacanta kusoo dhigay nin beer dhexdeeda ku dilay nin kale kadib muran labadooda dhexmaray. Ninka dilka gaystay ayaa watay qori ak47 ah wuxuuna rasaas kala dhacay madaxa marxuumka dhintay. Gacan ku dhiiglaha ayaa hadda lagu soo xiray saldhiga booliska ee degmadda doolow waxaana kusocoto baaris.
Wararka inaga soo gaaraya degmadda doolow ee gobolka gedo ayaa ku waranaya in goordhaw degmadaasi lagu dilay qof shacab ah,fahfaahinta kala soco warkanews.com.
Gudoomiyaha garabka dowladda federaalka soomaaliya ee Gobolka Gedo cabdulaahi cabdi jaamac (shimbir) ayaa madaxa arimaha bulshadda degmadda Baardheere u magacaabay farxaan ilyaas cabdi halka madaxa maaliyada garoonka degmadda garbohaarey uu u magacaabay cabdixakiim maxamed cumar. Halkaan hoose ka aqriso warqadaha magacaabista ah
Somalia’s presidenta hassan sheikh mohamud met with Ethiopian prime minister abiy ahmed on Friday on the sidelines of the 38th Ordinary summit of the African union in addis ababa,as efforts to resolve diplomatic tensions between the two nations remain deadlocked. The meeting comes after the dua agreed to end a dispute over Ethiopia’s controversial sea acces deal with Somaliland,signed in january 2024,wich has sparked a diplomatic rift with Somalia. Mogaishu has vehemently opposed the agreement wich grants Ethiopia acces to the red sea via Somaliland a breakaway region Somalia considers part of its territory. In December last year following Turkish…