Shir diirada lagu saaray arimaha amniga degmdda b/xaawo kana soo qayb galeen maasuuliyiin heer Gobol iyo heer degmo iyo saraakiisha amniga ciidamada kala duwan ee jubbaland ayaa lagu qabtay xafiiska gudoomiyaha ee degmadaas.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladaha amni daro ee ay sababeen ciidamo waayadii dambe shacabka ku dhibaataynaayay xabadaha ay magaaladda ka ridayaan.
Maamulka degmadda ayaa faray saraakiisha ciidamadda noocyadooda kala duwan in ay ka fogaadaan wax kasta oo carqalad ku noqon kara sugida amniga degmadda ayna si buuxda uga shaqeeyaan ilaalinta shacabka si gaar ah xifdi ta naftooda iyo hantidooda.