Dowladda turkiga ayaa seddex diyaaradood oo dagaal oo nooca qumaatiga u kaca ee T129 Atak ku wareejisay dowladda federaalka soomaaliya kadib wada hadal taleefan oo toddobaadkan dhexmaray madaxwayne Erdogan iyo dhigiisa madaxwayne xasan shiiq, sida ay ku warantay warbaahinta turkiga” xukuumadda Ankara waxaa ay 3 diyaarado ‘helicopters’ ah ku taageertay ciidamadda badda soomaaliyeed”.
Turkiga ayaa dowladda federaalka soomaaliya u tababaray duuliyeyaal soomaali ah iyo ciidamo dheeraad ah tan oo qayb ka ah heshiiska difaac ee labadda dal.
Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee afrika ee loosoo diro diyaaradaha T129 Atak ee dalka turkiga iyada oo ay dhawaan iibsadeen diyaaradahaan qadar,Pakistan,filibiin iyo sacuudi careebiya.