Waxaa xalay fiidkii degmadda aadan yabaal ee gobolka shabeelaha dhexe laga fuliyay howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidamadda qalabka sida ee soomaaliya iyo ciidamadda maraykanka ee (AFRICOM) si loo cirib tiro qatarta maleeshiyada kooxda alshabaab.
Duqayntan oo lagu beegsaday goob ay kooxda alshabaab isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad ayaa xogta hordhaca ah muujinaysaa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogeyaal katirsan kooxda.
Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray shacabka.
Howlgaladaan ayaa qayb ka ah dadaaladda isdaba jooga ah ee dowladda federaalka soomaaliya ay wado iyadoo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah sida maraynkana si loo labbo jibaaro gulufka ka dhanka ah maleeshiyada alshabaab ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan deegaanadda laga xoreeyay.
Ciidamadda qaranka iyo howlgalka AFRICOM waxaa ay weli wadaan qiimaynta qasaaraha gaaray kooxda alshabaab.