Waxaa maanta magaaladda nayroobi ee dalka keenya kulan ku qaatay ehelada wasiirkii hore ee amniga maamulka jubbaland cabdirashiid xasan cabdinuur (janan) iyo saraakiil keenyaan ah.
Ehelada wasiirka oo saraakiisha kenyaanka waydiiyay maqnaashaha wasiir janan ayaa waxay u sheegeen in uu xiran yahay isla markaana lasoo dacweeyay.
Laamaha amaanka nayroobi oo toddobaad kadib la wadaagay masuuliyiinta iyo xigtada, xariga wasiirka waxay sheegeen in uu u xiran maamulka jubbaland isla maraaka laga soo gudbiyay dacwad oo aysan xiligaan la wadaagi karin cida sida tooska ah usoo dacwaysay.
Arintaan ayaa imaanaysa xili walaac badan ay ka qabeen eheladiisa halka uu ku sugan yahay janan ama uu ku danbeeyay.