Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiisha ciidamadda daraawiishta iyo booliska jubbaland ee degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo oo ay ugu horeeyaan taliyaha qaybta booliska ee gobolka gedo gaashaanle cabdifitaax macalin nuur (saliim),taliyaha ciidamadda daraawiishta jubbaland ee degmadda b/xaawo farxaan odowaa,taliyaha xasilinta ciidamadda daraawiishta jubbaland ee degmadda b/xaawo xasan cibaad iyo saraakiisha qaybooda kala duwan.
Kulanka ayaa warbixino amni looga dhagaystay taliyaha qaybta booliska g/shaanle c/fitaax macalin nuur iyo taliyaha ciidamada daraawiishta jubbaland ee degmadda b/xawo farxaan odowaa.
Shirka ayaa diirada lagu saarau adkaynta amniga xuduudaha iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa laamaha amniga iyo sidoo kale adkaynta amniga maalmaha ciida ee nagu soo wajahan.
Gudoomiya degmadda beled-xaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi oo ugu dambayn shirka soo xiray ayaa ku bogaadiyay ciidamadda shaqada adage e ay u hayaan bulshadda kuna amaanay sida ay uga soo dhalaaleen doorkooda ilaalinta amniga degmadda.