Wasiir kuxigeenka wasaardda waxbarashada maamulka jubbaland muqtaar kaamil,gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada degmadda doolow ee Gobolka Gedo aadan barre cali iyo iskuduwaha wasaarada waxbarashada degmadda doolow farxaan barre cabdulle ayaa si wadajir ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad oo ay qaadayso wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta jubbaland.
In ka badan labbo boqol oo arday ayaa sanad dugsiyeedka 2024-2025 qaadanaysa imtixaanka shahaadiga dugisga dhexe.
Daahfurka kadib ayaa wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada,gudoomiye kuxigeenka degmadda doolow iyo isku duwaha waxbarashada degmadaas ayaa ardayda ku dhiirogeliyay in ay ilaaliyaan shuruucda imtixaanka inta uu socdo.
Dhanka kale waxaa ay eebbe uga baryeen in uu u fududeeyo islamarkaana ay ku dedaalaan in kaalmaha hore ay galaan dhamaan ardayda maamulka jubbaland ee sanadkan imtixaanka u fadhiisanayso.