Author: Omar

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee maamulka jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga kiis uu ku eedaysanyahay muqtaar cabdi aadan (hoobiye) oo ahaa sarkaal katirsan ciidamada jubbaland isla markaana loo haysto la shaqaynta maleeshiyada kooxda alshabaab. Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee maamulka jubbaland Gaashaanle sare cabdulaahi maxamuud ibraahim ayaa furay fadhiga maxkamada isagoo sheegay in dhinacyada dacwada ay u furantahay soo bandhigista dacwadooda ku aadan eeda loo haysto mukhtar cabdi aadan. Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee jubbaland gaashaanle dhexe ismaaciil cabdi cali ayaa maxkamada ka hor aqriyay kiiska ay ku eedaynayaan…

Read More

Labbo askari ayaa ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay degmadda b/xaawo ee gobolka gedo waxaana ku dhaawacmay gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ee degmadda cabdfitaax nuur mataan,gudoomiye kuxigeenka labaad ahna kuxigeenka madaxa maaliyada degmadaas cabdulaahi cabdi aadan iyo askar istaaf u ahayd oo la socotay. Sida ay warkanews.com u xaqiijiyeen goobjoogeyaal kusugan degmadda b/xaawo qaraxa ayaa ka dhacay wadada u dhaxaysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada. Dhanka kale xalay dablay hubaysan ayaa habeenkii xalay ahaa weerar ku qaaday ciidamo sugayay amaanka garoonka diyaaradaha degmadda b/xaawo oo toddobaad ka hor la dhagax dhigay,dhismihiisana uu socdo. Saraakiil ciidan oo aan la xeriirnay…

Read More

Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam (madoobe) ayaa hadda safar degdeg ah ugu amba baxay magaaladda nayroobi ee dalka Kenya sida ay shabakada warkanews.com u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Dowladda federaalka soomaaliya ayaa maalmahaan sheegaysay inuusan axmed madoobe ka bixi karin kismaayo oo uu xbasi guri ku yahay. Axmed madoobe ayaa dhawaan dowladda federaalka soomaaliya kaga soo adkaaday deegaanka raaskambooni.

Read More

Ciidamadda booliska maamulka jubbaland ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu eedeeyay in nin horey u qabi jiray una dhashay caruur badan ku dishay suntan libaaxa loogu tala galay kadib markii ay ugu dartay furlaato. War kasoo baxay booliska jubbaland ayaa lagu sheegay in xaafada farjano ee magaaladda kismaayo kasoo qabteen sahra xuseen maxamed oo ku eedaysan dilka saygeedii hore cabdulaahi cabdiraxmaan abuukar. Booliska ayaa sheegay in haweenaydan in cabitaan ama furlaato ugu dartay suntan libaaxa nin horey u kala tageen waxaana la sheegay in ninkaan markii uu cabitaanka cabay isla goobta si degdeg ah ugu geeriyoodey. Haweenaydan dilka gaysatay ayaa…

Read More

Gudoomiyaha gobolka gedo ee garabka jubbaland maxamed xuseen isaaq ( alqaadi) ayaa warqad kasoo baxday xafiiskiia ku buriyay warqado lagu sheegay in ay sharciga baalmarsanyihiin oo uu baraha bulshada ku baahiyay gudoomiyaha gobolka gedo ee dhinaca dowladda federaalka cabdi cabdi jaamac (shimbir) taasi oo uu ku sheegay in uu isbadal ku sameeyay maareeyaasha garoomada diyaaradaha degmooyinka garbohaareey iyo bardheere. Halkaan hoose ka aqriso warqada burinta ah

Read More