Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta jubbaland ayaa tababar aqoon iswaydaarsi ah oo ku saabsan hanaanka daraasaynta suurtagalnimada mashaariicda dhismaha degmooyinka jubbaland u qabatay qaar kamid ah howlwadeenada dowladda hoose ee degmada kismaayo,shaqaalaha sasaaradda howlaha guud, iyo xubno ka socday hay’ada dhulka Jubbaland.
Kulanka tababarka oo uu daah-furay agaasimaha guud ee Wasaarada Howlaha guud,dib u dhiska iyo guryeynta Jubbaland Cabdishugri Carab ayaa socon doona muddo labo maalmood ah iyado ka qayb-galayaasha ay ka faa’iidaysan doonaan casharro la xiriira hanaanka daraasaynta suurto-galnimadda mashariicda dhismaha nooc-yadooda kala-duwan sida dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah bulshada.