- AKHRISO:Maamulka iyo wariyaasha warkanews.com oo dhamaan bulshadda soomaaliyeed u diraya hambalyo ku aadan ciida
- AQRISO+SAWIRO:Gudoomiyaha degmadda B/xaawo oo shir gudoomiyay shirka amniga ee degmadaas
- DEG-DEG:Wasaaradda shaqadda Jubbaland oo fasaxday shaqaalihii wasaaradaas+sababta
- AKHRISO:Dowladda soomaaliya oo loogu deeqay diyaarado Dagaal oo casri ah
- AKHRISO:Ciidamo la wareegay deegaan istiraatiiji ah oo katirsan Gobolka Gedo
- AQRISO+SAWIRO:Mas halis ah oo gabdho ku cunay Deegaan katirsan Gobolka galgaduud
- DEG-DEG:Wasaarada amniga jubbaland oo magacaabis samaysay
- AKHRISO+SAWIRO:Imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe oo laga daahfuray degmadda Doolow
Author: Omar
Ciidamada badda dowladda india ayaa soo badbaadiyay Markab kuwa xamuulka qaada ah oo qamiistii lagu afduubtay xeebaha soomaaliya. Markabkani oo lagu magacaabo MV Lila Norfolk kaas oo ku gooshayay calanka Liberia isla markaana ku sii jeeday dalka baxrayn ayaa qamiistii laga qafaashay xeebaha dhinaca bari ka xiga degmadda eyl ee gobolka nugaal. War qoraal ah oo kasoo baxay ciidamadda badda india ayaa lagu sheegay in lasoo badbaadiyay markabka iyo dhamaan shaqaalihii saarnaa oo tiradoodu dhan tahay kow iyo labbaatan qof oo ay kujiraan shan iyo tobban u dhashay wadanka hindiya.
Gudoomiyaha degmadda luuq ee gobolka Gedo daahir maxamed nuur ayaa maanta booqasho kutagay isbitaalka Guud ee degmadda waxaana uu u kuur galayay xaalada kajirto isbitaalka. Waxaa uu la kulmay bukaanada jiifa isbitaalka waxaana uu gudoonsiiyay lacago waxaana uu u sheegay in uu si dhaw uu uga warqabi doono bukaanadaas oo ah dad danyar ah. Ugu danbayn gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyay dhaqaatiirta iyo hawl wadeenada isbitaalka shaqada adag ee ay u hayaan bulshada waxaana uu faray in ay sii labba jibaaraan.
SAWIRO:-Wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka Maamulka jubbaland oo gaaray Degmadda beled-xaawo
Waxaa maanta degmadda beledxaawo ee Gobolka gedo gaaray wasiirka wasaarada caafimaadka ee maamulka jubbaland abshir maxamed cabdi . Wasiirka oo booqashada uu ku wehlinaayay xildhibaan deeq isaaq tuutow iyo isku duwaha wasaarada caafimaadka maamulka jubbaland ayaa kormeer guud ku sameeyay xaaladda isbitaalka qaliil ee degmadda beled-xaawo waxaana uu warbixino uu ka dhagaystay hawlwadeenada caafimaadka ee isbitaalka. Kormeerka kadib wasiirka ayaa shirar gooni gooni ah la qaatay gudigga boorka ee isbitaalka iyo shaqaalaha hay,adda trocaire oo ah hay,ada gacanta ku hayso isbitaalka Qaliil.
AQRISO+ SAWIRO:- Maxay Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka maamulka jubbaland maanta ka qabatay degmadda beled-xaawo
Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka maamulka jubbaland ayaa maanta waxaa ay degmadda beledxaawo ee gobolka Gedo ku qabatay kulan isla xisaabtan ah kaasi oo looga hadlay leexsashadda gar-gaarka iyo deeqaha bini,aadanimo oo mararka khaar sidii la rabay loo maaraynin. Waxaa kulanka daah furay gudoomiyaha degmadda beledxaawo c/rashiid caroog cabdi waxaana kasoo qayb galay in kabad tobban hay,adaha maxaliga iyo kuwa dowliga ee ka hawlgalo degmadda beledxaawo. Sidoo kale waxaa kulankani ka qayb galay ururada bulshada qaybahooda kala duwan sida dhalinyarada,haweenka,culimo udiin,xaubno katirsan maamulka degmadda iyo saraakiil ciidan.
Wararka ka imaanaya degmadda doolow ee Gobolka gedo ayaa sheegaya in labbo wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo degenaa xerada barakaca ee kaxareey in xalay halkaasi kala soo baxsadeen qori noociisu yahay AK47 oo uu lahaa aabahood. Meel u dhaxayso degmooyinka beled-xaawo iyo dolow markay marayeen ayay isku qabsadeen qoriga waxaana mid kamid ah labada wiil ku fakatay xabad ka dhacday qoriga,dhaawiciisa oo aad u darnaa ayaa la gaarsiiyay cusbitaalka way nee degmadda doolow,la tacaalid ay u sameeyeen dhaqaatiirta waxaa halkaas ku geeriyooday wiilkii dhaawaca ahaa. Waxaana hadda laamaha amniga ee degmadda doolow ay soo xireen ninka dhalinyarada ah ee…
WAR HADDA AH:- Ciidanka Gor-gor iyo kuwa daraawiishta maamulka Galmudug oo la wareegay Magaalada Caad
Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gor gor iyo kuwa deegaanka ayaa galabta la wareegay deegaanka Caad ee koonfurta Mudug. Magaalada caad ayaa ahayd saldhiga ugu waynaa ee maleeshiyada Alshabaab ee Koonfurta Gobolka mudug waxayna horay isugu dayeen inay difaacdaan. Kooxda ayaa guud ahaan Dadkii deegaanka ee magaalada Caad ka saaray iyagoo u kaxaystay Deegaano ay maamulaan. Magaaladda wax dagaal ah kama dhicin maleeshiyada kooxda ayaa isaga baxay kadib duqaymo Culus oo lagu garaacay labaddii maalin ee u danbaysay. Waxaana maleeshiyaadka kooxda ee isaga firxaday Caad ay gaareen deegaanada kala ah dumaaye iyo daba galo mana jirto magaalo kale…
Jamhuuriyada carbeed ee masar ayaa maanta bayaan ay soo saartay waxay ku garab istaagtay dowladda federaalka soomaaliya. Bayaan kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee dalkaas ayaa lagu sheegay in loo baahanyahay in si buuxdo loo ixtiraamo midnimadda iyo madax banaanida jamhuuriyada federaalka soomaaliya. “Jamhuuriyada masar waxay kasoo horjeedaa talaabo kaste oo wax u dhimayso qaranimada soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda masar. Waxaa ay sidoo kale tilmaamtay dowlada masar in dowlada soomaaliya iyo shacabkeeda oo keliya xaq u leeyihiin in ay ka faa,iidaystaan qayraadkooda. Masar ayaa aad uga mahad celisay bayaanadda ay soo saareen Dalalka Gobolka iyo kuwa…
SAWIRO:- Kulan ay soo Agaasimeen Gudiga horumarinta degmadda Baardheere oo degmadaasi lagu qabtay
Waxaa maanta degmadda baardheere ee Gobolka gedo lagu qabtay kulan looga tashanayo qaabkii loo dhisi lahaa buundada degmada oo dhawaan ay burburiyeen roobabkii ka da,ay degmadda. Kulankani waxaa kasoo qayb galay maamulka degmadda,odoyaasha,ganacsatada iyo qaybo kamid ah waxgaradka magaaladda. Xubnihii ka hadlay kulanka ayaa isku raacay baahida loo qabo in la dhiso Buundada,si isku tashi ahna dhaqaalo loo aruuriyo,waxaana la,isku raacay gudi dhaqaalaha uruuriya.
SAWIRO:- Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay xubno katirsan maleeshiyada Alshabaab oo aasayay miino
Labbo nin oo katirsan maleeshiyada kooxda alshabaab kuwaas oo aasayay minooyin ayaa saaka waxaa gacanta ku dhigay ciidanka xooga dalka soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee kusugan Gobolka Mudug. Ragaan katirsan kooxda al shabaab ee ay qabteeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa xiligii la qabanayay miinooyin waxay ku aasayeen deegaan u dhaw degmadda caad ee gobolka mudug. Waxaa saraakiisha ciidanka dowladda ay sheegeen in shaqsiyaadkan la qabtay baaritaano dheeraad ah lagu samayn doono isla markaana loo gudbin doono laamaha amaanka si cadaalada u horgeeyaan. Kooxda alshabaab ayaa mudooyinkii danbe miinooyin badan ku aasayay deegaanada dhaca koonfurta gobolka mudug halkaas…
Maamulka shabakadda www.warkanews.com waxaa uu bulshadda ku xiran uu leeyahay hambalayo hamabalyo sanadka cusub ee miilaadiga ah 01-01-2024. Dhamaan akhristayaaasha meel kaste oo ay kaga sugan yihiin caalamka waxaan u rajaynaynaa in sanadkaan kiisa kale ku gaaraan Nabad,caafimaad qab,horumar,barwaaqo iyo Noolal taam ah inshallaah.