Jamhuuriyada carbeed ee masar ayaa maanta bayaan ay soo saartay waxay ku garab istaagtay dowladda federaalka soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee dalkaas ayaa lagu sheegay in loo baahanyahay in si buuxdo loo ixtiraamo midnimadda iyo madax banaanida jamhuuriyada federaalka soomaaliya.
“Jamhuuriyada masar waxay kasoo horjeedaa talaabo kaste oo wax u dhimayso qaranimada soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda masar.
Waxaa ay sidoo kale tilmaamtay dowlada masar in dowlada soomaaliya iyo shacabkeeda oo keliya xaq u leeyihiin in ay ka faa,iidaystaan qayraadkooda.
Masar ayaa aad uga mahad celisay bayaanadda ay soo saareen Dalalka Gobolka iyo kuwa caalamkaba kuwaasi oo dhinac uga soo horjeestay talaabooyinka lidka ku ah xasiloonida geeska Afrika ee xoojinayo xiisada u dhaxayso dalalka Gobolka.
Waxaa ay masar adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan midowga Afrika oo ay kujiraan difaaca madax banaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah iyo mabaadiida midowga afrika kuwaasi oo qeexayo in la ixtiraamo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah.
Bayaanka dowladda masar ayaa imaanaya kadib markii uu xalay qadka tilifoonka uu kula hadlay madaxwaynaha soomaaliya xasan shiiq maxamuud,dhigiisa dalkaas c/fitaax al siisi.
Al siisi iyo madaxwayne xasan shiiq ayaa waxaa ay ku balameen in ay adkeeyaan iskaashiga labadda dowladeed ee soomaaliya iyo masar iyada oo la midoobayo caqabadaha Gobolka.
Masar ayaa haatan u muuqato inay heshay garabka soomaaliya maadama labadda dal ay noqdeen isku Cadow,taasi oo ah dowladda Ethiopia.
Ethiopia iyo masar ayaa waxaa ay isku hayaan Biyo xireenka webiga Niil waxaana horay ugu sigteen in gacan ka hadal uu dhexmaro.
Dowladda soomaaliya ayaa haatan dedaal xoogan ugu jirto sidii ay taageero calami ugu heli lahayd difaaca dhulkeeda.