Labbo nin oo katirsan maleeshiyada kooxda alshabaab kuwaas oo aasayay minooyin ayaa saaka waxaa gacanta ku dhigay ciidanka xooga dalka soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee kusugan Gobolka Mudug.
Ragaan katirsan kooxda al shabaab ee ay qabteeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa xiligii la qabanayay miinooyin waxay ku aasayeen deegaan u dhaw degmadda caad ee gobolka mudug.
Waxaa saraakiisha ciidanka dowladda ay sheegeen in shaqsiyaadkan la qabtay baaritaano dheeraad ah lagu samayn doono isla markaana loo gudbin doono laamaha amaanka si cadaalada u horgeeyaan.
Kooxda alshabaab ayaa mudooyinkii danbe miinooyin badan ku aasayay deegaanada dhaca koonfurta gobolka mudug halkaas oo uu ka socdo hawlgalo la doonayo in gebi ahaan kooxda looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka mudug.