- AKHRISO+SAWIRO:Beel kamid ah beelaha dego Gobolka Gedo oo Hubkoodii iyo ciidankoodii ku wareejisay Jubbaland
- AQRISO:Guddiga dib u dhiska buundooyinka Gobolka gedo oo umahadceliyay Dahabshiil Group
- AKHRISO:Maamulka Gobolka Gedo ee jubbaland oo Guddiga Doorashooyinka uga digay inay Doorasho ka qabtaan Gobolkaas
- AQRISO+SAWIRO:Maamulka khaatumo state oo Somaliland u aqoonsaday maamul gooni goosad ah
- AKHRISO:Maraykanka oo duqayn culus ka fuliyay Aadan yabaal
- AQRISO:Wararka ugu dambeeyay xaalada Magaaladda B/xaawo
- AKHRISO+SAWIRO:Shir looga hadlay arrimo muhiim u ah Gobolka Gedo oo lagu qabtay Degmadda Doolow
- DEG-DEG:Faysal cali waraabe oo Liiska Argagixisada lagu daray
Author: Omar
Ciidamada xooga iyo kuwa daraawiishta galmudug ayaa saaka la wareegay deegaano dhaca koonfurta gobolka mudug ,kadib markii ay halkaasi ay ka sameeyeen hawlgalo. Waxaa kamid ah deegaanada ay la wareegeen ciidamada dhagax-dheer iyo daahir cali xayloow kuwaas oo hoostaga degmadda caad. Saraakiisha hogaaminaysay ciidamada ayaa sheegay in uu wali socdo hawlgalka isla markaana maleeshiyada kooxda lagu baacsanayo dhulka hawdka ah. Gobobolka mudug waxaa uu kamid yahay meelaha sida dar dar ta leh uga socdaan hawlgalada ka dhanka ah masleeshiyada kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladada iyo kuwa deegaanka.
SAWIRO:- Injineero heer calami ah iyo Gudiga gurmadka fatahaadaha ee Hay,adda al raxma foundation oo gaaray degmadda luuq
Waxaa maanta degmadda luuq ee gobolka gedo gaaray gudiga gurmadka fatahaadaha ee hay,ada al raxma foundation iyo injineero heer calami ah kuwaas oo qiimayn ku sameeyay waxyeelada soo gaartay buundada iyo garoonka degmadda. Gudoomiye kuxigeenka gobolka gedo Cismaan nuux xaaji (macalimow) iyo gudoomiyaha degmada luuq daahir muxumed nuur (caato) ayaa waftigaan waxaa ay geeyeen buundada iyo garoonka waxaana ay uga warbixiyeen waxa ay ka qabteen goobaha muhiimka u ah bulshadda. Ugu danbayn gudoomiyaha degmadda luuq ayaa uga mahad celiyay waftigaan sida ay waqtigooda ugu soo hureen in ay imaadaan degmadda ,waxaana uu sheegay in baahi wayn loo qabay in injineero…
Maamulka jubbaland oo amar kusiiyay maamulka degmadda doolow ee Gobolka gedo inay soo wareejiyaan qalabka saadaasha Hawada ee uu isticmaalo garoonka diyaaradaha Doolow
Wasiirka amniga ee maamulka jubbaland sareeyo gaas yuusuf xuseen cismaan (dhuumaal) ayaa ku amray maamulka degmadda Doolow inay soo wareejiyaan Qalabka saadaasha Hawada ee uu isticmaalo garoonka diyaaradaha ee degmadda. Xogta aan helayno ayaa sheegayso in amarkaan uu si guud uga soo baxay madaxwaynaha maamulka juballand Axmed maxamed islaam ( axmed madoobe) kaas oo wasiirka amarka soo siiyay in qalabkaas oo garoonka uu ku shaqaynaayo laga soo furo. Gudoomiyaha degmadda doolow ee Gobolka gedo maxamed xuseen cabdi (lafeey) ayaa iska diiday amarka uga yimid wasiir dhuumaal oo ah in qalabkaas laga soo furo garoonka kaasi oo ay isticmaalaan bulshadda deegaanka…
Howlgal lagu lagu dilay xubno katirsan maleeshiyada Alshabaab oo ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo howlgal qorshaysan oo maanta ciidamadda Dowladda iyo kuwa deegaanka ka sameeyeen deegaano hoostago degmadda xarar-dheere ee koonfurta Gobolka mudug. Waxaa howlgalkani lagu beegsaday saldhig wayn oo maleeshiyada kooxda al shabaab ku lahayd deegaanka baraag gur-guurte oo dhinaca galbeed ka xiga degmadaasi. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in holwgalkani lagu dilay in ka badan 33 xubnaha katirsan maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.
Sawirro:Gudoomiyaha degmadda doolow ee Gobolka gedo iyo xubno kamid ah maamulkiisa oo kormeeray deegaano hoosyimaada degmadaasi
Gudoomiyaha degmadda doolow ee gobolka gedo mudane maxamed xuseen cabdi (lafeey) iyo xubno katirsan maamulkiisa ayaa maanta kormeeray deegaano ay dhawaan saameeyeen roobab ka da,ay gobolka iyo fatahaado kuwaas oo hoos yimaado degmadda doolow. Gudoomiye lafeey oo kulan la qaatay waxgaradka iyo odoyaasha deegaanka ayaa ka hadlay arimaha amniga iyo ahmiyadda ay leedahay in xooga la saaro nabad gelyada si deegaanada ay u helaan adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshadda deegaanka. Waxaa gudoomiyaha uu xusay in loo baahanyahay isku tashi bulsho,maamulkana ay xooga saari doonaan dhismaha xarumo caafimaad waxaana uu bogaadiyay adeegyada waxbarasho ee kajiro deegaanadda uu booqday. Waxaa…
Ugu yaraan 85 qof ayaa ku dhintay duqayan diyaarad oo ka dhacday gobolka kaduna ee waqooyi galbeed dalka Nigeria,halkaasi oo ay ku cibaadaysanayeen dad muslimiin ah sida laga soo xigtay waaxda gurmadka degdega ah ee dalkaasi. Madaxwayne Bola tinubu ayaa yiri dadka rayidka waxay ku dhinteen bam lagu soo qalday mana uusan bixinin xogta tiradad dadka eek u dhintay weerarkas. Duqaynta diyaarada ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday kooxo argagixiso ah iyo burcad hubaysan. Warbaahinta ka hawlgasha dalkaasi ayaa tebisay in in ka badan 600 oo qof loola cararay isbitaaladda si halkaasi loogu dabiibo,dhacdadaan ayaa dhacday axadii.
Ra,iisul wasaaraha xukuumada jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane Xamse cabdi bare ayaa waxaa uu xaafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Sweden u fadhiya soomaaliya Amb joechim waern . Waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xeriirka labada dal,iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso soomaaliya. Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya soomaaliya joechim ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisu uu ku biirinayo lacag sanduuqa Nabadda iyo dowlad dhiska soomaaliya (TPSS). Raysalwasaare xamse ayaa kulanka uga mahad celiyay dowladda Sweden oo maanta ku dhawaaqday in ay kusoo biirtay sanduuqa nabadda iyo dowlad dhiska soomaaliya( TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee Sweden…
Antonio gutteras xoghayaha guud ee qaramada midoobay oo markii ugu horaysay adeegsaday qodobo ka dhan ah Israa,iil
Xogahayaha guud ee qaramada midoobay Antonio gutteras ayaa waxaa uu cuskaday qodobka 99-aad ee axdiga qaramada midoobay. Antonio aya ku booriyay golaha amaanka ee qaramada midoobay in ay qaadaan tilaabo lagu joojinayo duulaanka Is.rael ee marina Gaza. Qoddobka 99-aad ayaa waxaa uu u ogolaanayaa xoghayaha guud in uu horkeeno Golaha amaanka arrin kasta ra,yigiisa ah,isla markaana khatar gelin karta ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah. Waxaa uu xalay xubnaha Golaha amaanka ka codsaday inay ka hortagaan musiibo bini,aadantinimo oo wayn oo ay israa,iil ka gaysato marinka gaza. Talaabadaan naadirka ahi ayaa kusoo beegantay iyadoo 15 ka xubnood ee Golaha amaanka…
Madaxwaynaha Kenya oo waraaqaha safiirnimo ka gudoomay safiirka soomaaliya u fadhin doono dalkaasi
Madaxwaynaha Kenya William ruto ayaa waxaa uu warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee soomaaliya u fadhiya Nayroobi ambassador jibriil ibraahim cabdulle oo dhawaan madaxwayne xasan sheekh u magacaabay xilkaasi. Amb jibriil oo kasoo shaqeeyay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka tan iyo xiligii burburka horena musharax madaxwayne usoo noqday ayaa dhawaan loo magacaabay safiisrka soomaaliya u fadhiya Kenya waxaana uu bedealay Amb tarsan oo hore u ahaa safiirka soomaaliya u fadhiya keenya.
Wararka inaga soo gaaraya koonfurta gobolka mudug ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaadka kooxda Alshabaab isaga baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada kala ah dumaaye iyo dabaglo oo katirsan gobolkaasi. Wararka ayaa intaa kudaraya in maleeshiyada ay sii daayen maxaabiis badan oo in muddo ah halkaasi ku xirnaa. Arintaan ayaa kusoo aadayso kadib markii Ciidamada DF iyo kuwa deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo kabilaabeen halkaasi. Dhanka kale waxaa xalay deegaanka bajeela oo kuyaalo koonfurta gobolka mudug lagu soo bandhigay 6 kamid ah maxaabiistii ay kooxda sii daayeen kuwaas oo kamid ahaa 11 qof shacab ahaa oo sanadkii 2021 ay ka kaxaysteen miyiga deegaanka…