Gudoomiyaha degmadda luuq ee gobolka Gedo daahir maxamed nuur ayaa maanta booqasho kutagay isbitaalka Guud ee degmadda waxaana uu u kuur galayay xaalada kajirto isbitaalka.
Waxaa uu la kulmay bukaanada jiifa isbitaalka waxaana uu gudoonsiiyay lacago waxaana uu u sheegay in uu si dhaw uu uga warqabi doono bukaanadaas oo ah dad danyar ah.
Ugu danbayn gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyay dhaqaatiirta iyo hawl wadeenada isbitaalka shaqada adag ee ay u hayaan bulshada waxaana uu faray in ay sii labba jibaaraan.