Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka maamulka jubbaland ayaa maanta waxaa ay degmadda beledxaawo ee gobolka Gedo ku qabatay kulan isla xisaabtan ah kaasi oo looga hadlay leexsashadda gar-gaarka iyo deeqaha bini,aadanimo oo mararka khaar sidii la rabay loo maaraynin.
Waxaa kulanka daah furay gudoomiyaha degmadda beledxaawo c/rashiid caroog cabdi waxaana kasoo qayb galay in kabad tobban hay,adaha maxaliga iyo kuwa dowliga ee ka hawlgalo degmadda beledxaawo.
Sidoo kale waxaa kulankani ka qayb galay ururada bulshada qaybahooda kala duwan sida dhalinyarada,haweenka,culimo udiin,xaubno katirsan maamulka degmadda iyo saraakiil ciidan.