Wararka ka imaanaya degmadda doolow ee Gobolka gedo ayaa sheegaya in labbo wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo degenaa xerada barakaca ee kaxareey in xalay halkaasi kala soo baxsadeen qori noociisu yahay AK47 oo uu lahaa aabahood.
Meel u dhaxayso degmooyinka beled-xaawo iyo dolow markay marayeen ayay isku qabsadeen qoriga waxaana mid kamid ah labada wiil ku fakatay xabad ka dhacday qoriga,dhaawiciisa oo aad u darnaa ayaa la gaarsiiyay cusbitaalka way nee degmadda doolow,la tacaalid ay u sameeyeen dhaqaatiirta waxaa halkaas ku geeriyooday wiilkii dhaawaca ahaa.
Waxaana hadda laamaha amniga ee degmadda doolow ay soo xireen ninka dhalinyarada ah ee dhaawac gaystay si loo baaro kiiska.