Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gor gor iyo kuwa deegaanka ayaa galabta la wareegay deegaanka Caad ee koonfurta Mudug.
Magaalada caad ayaa ahayd saldhiga ugu waynaa ee maleeshiyada Alshabaab ee Koonfurta Gobolka mudug waxayna horay isugu dayeen inay difaacdaan.
Kooxda ayaa guud ahaan Dadkii deegaanka ee magaalada Caad ka saaray iyagoo u kaxaystay Deegaano ay maamulaan.
Magaaladda wax dagaal ah kama dhicin maleeshiyada kooxda ayaa isaga baxay kadib duqaymo Culus oo lagu garaacay labaddii maalin ee u danbaysay.
Waxaana maleeshiyaadka kooxda ee isaga firxaday Caad ay gaareen deegaanada kala ah dumaaye iyo daba galo mana jirto magaalo kale oo kooxdu ku dagaalami karaan taas oo ku taalo Koonfurta Gobolka mudug.