Waxaa maanta degmadda beledxaawo ee Gobolka gedo gaaray wasiirka wasaarada caafimaadka ee maamulka jubbaland abshir maxamed cabdi .
Wasiirka oo booqashada uu ku wehlinaayay xildhibaan deeq isaaq tuutow iyo isku duwaha wasaarada caafimaadka maamulka jubbaland ayaa kormeer guud ku sameeyay xaaladda isbitaalka qaliil ee degmadda beled-xaawo waxaana uu warbixino uu ka dhagaystay hawlwadeenada caafimaadka ee isbitaalka.
Kormeerka kadib wasiirka ayaa shirar gooni gooni ah la qaatay gudigga boorka ee isbitaalka iyo shaqaalaha hay,adda trocaire oo ah hay,ada gacanta ku hayso isbitaalka Qaliil.