Author: Omar

Diyaarad nooceedu yahay helikobtar oo shalay ugacan gashay maleeshiyadda al shabaab kuna duulaysay magaca UNSOS ayaa wasiirka amniga maamulka Galmudug oo la hadlay BBC-da u sheegay in cilad ay qabsatay ayna deg-deg u fariisatay deegaan hoosyimaado xiin-dheere oo katirsan gobolka gal-gaduud. “Meesha ay ku degtay waa meel baadiye ah,cilad ayaana ku kaliftay inay halkaa ku degto” ayuu yiri masuulkaas. “Dadkii reer miyiga ahaa ee deegaankaas ayaa kusoo xoomay diyaarada oo ku degtay meel u dhaxayso xiindheere iyo xagareey,kadibna dadkii deegaanka oo ku dhegan dadkii diyaarada saarnaa ayaa waxaa u yimid maleeshiyada al-shabaab oo sidaas kusoo fara geliyay,ayuu yiri. Wuxuu xaqiijiyay…

Read More

Waxaa maanta degmadda doolow ee gobolka gedo lagu qabtay xaflad dhiirigelin iyo abaal marin ah ardayda iyo dusgiyada kaalmaha hore ka galay imitixaanaadka dalka. Xaflada waxaa kasoo qayb galay gudoomiye kuxigeenka degmadda doolow aadan bare cali,madaxa arimaha bulshadda doolow c/fitaax ismaaciil xuseen iyo guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Gedo maxamed cabdi. Sidoo kale xaflada waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshadda degmooyinka Gobolka Gedo,culamada doolow,maamulka jaamacada Gedo,gudoomiyaha ururka dhalinyarada.

Read More

Wararka naga soo gaaraya degmadda doolow ee Gobolka gedo ayaa sheegaya in maanta kufsi ay ka gaysteen ciidamada itoobiyaanka ee ku sugan degmadaas. Ciidamada itoobiya ayaa kufsaday labbo haween ah kuwaasi oo kamid ah dadka barakacyaasha xili ay ay qoryo guranayeen meel magaalada duleedkeeda ah. Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in saraakiisha itoobiyaanka iyo qaar kamid ah masuuliyiinta degmadda doolow ay wadaan in dhacdada si hoose loo xaliyo isla mar ahaantana lacago lasiiyo dadka dhibaatada loo gaystay.

Read More

Diyaarad helikobtar ah oo ay leedahay qaramada midoobay oo maanta ka duushay magaaladda baladwayne kuna sii jeeday deegaanka wisil ee gobolka Mudug ayaa lagu dejiyay deegaanka xiin-dheere ee Gobolka galgaduud halkaas oo ay haystaan maleeshiyada kooxda al shabaab. Waxaa diyaaradaan helikobtarka ah saarnaa siddeed kamid ah shaqaalaha UN,hub iyo saanad ciidan waxaana wararka ay sheegayaan in is difaaceen saraakiishii saarnayd balse ugu danbayn lala wareegay. Lama ogo sababta ay ugu degtay helokobtarkan deegaan ay maamulaan shabaab,wixii kusoo kordho kala soco www.warkanews.com

Read More

Dagaalamayaal katirsan maleeshiyadda kooxda alshabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ciidamada itoobiya ku leeyihiin magaalada diinsoor ee gobolka baay. Dagaalka ayay labadda dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan inkastoo warar madax banana aan laga helin. Maleeshiyada alshabaab oo wata hub kala duwan iyo gadiidka dagaalka ayaa war kasoo saaray dagaalka ay ku qaadeen ciidamadda itoobiya,waxayna sheegeen in labbo askari dileen halka kuwa kalena ay dhaawaceen inta dagaalka uu socday

Read More

Kooxaha burcadbadeeda soomaalida ayaa sii daayay sagaal kaluumaysato ah oo u dhashay dalka yemen oo ay horay uga qafaasheen xeebaha soomaaliya. Dabayaaqadii bishii hore ayay ahayd markii koox burcad badeed soomaali ah ay afartan iyo seddex kaluumaysato ah ka afduubteen degmadda Xaafuun ee gobolka bari. Soddon iyo afar qof oo kamid ah ayaa laga sii daayay gudaha soomaaliya,ehelka mid kamid ah dadka la afduubtay ayaa sheegay in tilifoon ay ka heleen kaluumaysatada oo lagu ogaysiiyay sii dayntooda,waxaana ay sheegen inay dib ugu laabanayaan magaalo xeebeedka al Mukalla ee koonfurta wadanka yemen. Hay,ada hawlaha ganacsiga badaha ee UK oo lasocoto dhacdooyinka…

Read More

Abaare saacadu markay ahayd 01:00 PM ee duhurnimo waxaa degmadda xamar wayne ee gobolka banaadir ka dhacay qarax xoogaan kaasi oo inta badan laga wada maqlay magaaladda muqdisho. Booliska soomaaliya oo war kasoo saaray qaraxaan ayaa waxay sheegeen in iyagu qarxiyeen qaraxa kaas oo dhagar qabayaal katirsan Kooxda shabaab ay dhigeen suuqa marwaas gaar ahaan kaalin shidaal oo kutaalo degmadda xamar wayne. Ka hor inta aysan ciidanka Booliska qarxinin miinada ayay dadka shacabka ee wadada isticmaalayay ka badbaadiyeen iyagoo xiray goobta mana jirto wax qasaare ah oo ka dhashay.

Read More

Taliska ciidanka ha,adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ee ka hawlgala gobolka hiiraan ayaa maanta hawlgal culus oo ay ka sameeyeen magalaadda beledwayne waxay kusoo qabteen Shabakad shabaab ah oo qorshaynaayay inay kasii tilaabaan gobolka hiiraan. Saraakiisha NISA oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa u sheegay in xubnahaan maleeshiyada kooxda shabaab doonayeen in gobolka hiiraan uga tilaabaan gobolka Gal-gaduud oo uu ka socdo howlgal ka dhan ah kooxda. Hay,adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii u danbeeyay hawlgalo qorshaysan ku beegsanaysay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab kuwaas oo lagu dilay dagaal yahano badan.

Read More

Kulan maanta ka dhacay xafiiska madaxa mashaariicda xeriirka hay,adaha iyo hormarinta degmadda baardheere ee Gobolka Gedo ayaa looga hadlay shaqooyinka ay qabtaan hay,adaha ka hawlgalo degmadaas. Waxaa kasoo qayb galay kulanka saraakiisha ha,adaha samafalka ee ka shaqeeya degmada baardheere ee gobolka gedo. Madaxa mashaariicda xeriirka hay,adaha iyo horumarinta degmada baar-dheere cabdiqaadir aadan cismaan ( sanwayne) ayaa hawlwadeenada hay,adaha kasoo qayb galay shirka kula dardaarmay in ay sii labbo jibaaraan shaqooyinka muhiimka ah ee ay u hayaan bulshadda.

Read More