Waxaa maanta degmadda doolow ee gobolka gedo lagu qabtay xaflad dhiirigelin iyo abaal marin ah ardayda iyo dusgiyada kaalmaha hore ka galay imitixaanaadka dalka.
Xaflada waxaa kasoo qayb galay gudoomiye kuxigeenka degmadda doolow aadan bare cali,madaxa arimaha bulshadda doolow c/fitaax ismaaciil xuseen iyo guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Gedo maxamed cabdi.
Sidoo kale xaflada waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshadda degmooyinka Gobolka Gedo,culamada doolow,maamulka jaamacada Gedo,gudoomiyaha ururka dhalinyarada.