Dagaalamayaal katirsan maleeshiyadda kooxda alshabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ciidamada itoobiya ku leeyihiin magaalada diinsoor ee gobolka baay.
Dagaalka ayay labadda dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan inkastoo warar madax banana aan laga helin.
Maleeshiyada alshabaab oo wata hub kala duwan iyo gadiidka dagaalka ayaa war kasoo saaray dagaalka ay ku qaadeen ciidamadda itoobiya,waxayna sheegeen in labbo askari dileen halka kuwa kalena ay dhaawaceen inta dagaalka uu socday