- AQRISO+SAWIRO:Xaalad bani’aadanimo oo taagan Deegaanka Garileey
- Alshabab combat vehicles destroyed in airstrikes in Awsweyne settlement in Galgaduud region
- AKHRISO+SAWIRO:Taliska booliska kismaayo oo gacanta ku dhigay muqalas gabdho tahriibinayay
- AQRISO+SAWIRO:Odoyaal ku shiray degmadda doolow oo eedayn Xooggan u jeediyay dowladda soomaaliya
- AQRISO:Trump oo gaaray dalka sacuudiga
- AKHRISO:Ciidankii ugu badnaa oo laa daabulayo Degmadda Baardheere
- DEG-DEG:Xaaladda magaaladda Garbohaareey oo kacsan kadib markii la weeraray Odoyaashii guurtida ee ka hadlay Warbaahinta
- DEG-DEG:Odoyaal taageeray maamulka Jubbaland oo lagu xiray magaaladda Garbohaareey
Author: Omar
Gudoomiyaha degmadda luuq oo maanta kulan la qaatay taliyaha saldhiga ee degmadda luuq ee Gobolka gedo
Gudoomiyaha degmadda luuq ee gobolka daahir muxumed nuur(caato) ayaa maanta kulan is xog waraysi ah waxaa uu la qaatay taliyaha saldhiga ee degmadda luuq labbo xidigle axmed cabdi xuseen. Gudoomiyaha ayaa su,aalo waydiiyay taliyaha kuwaas oo ku saabsan dadka ku xiran saldhiga iyo danbiyada lagu soo eedeeyay. Taliyaha saldhiga ayaa sheegay in saldhiga ku xiran yihiin maxaabiis tiradooda tahay 12 qof kuwaas oo ku eedaysan danbiyo kala duwan sida nin horay dil u gaystay,nin tooray qof ku dhaawacay,haweenay iibinaysay muqaadaraad sida qamri iyo xashiish,waxaana 9 qof kale uu sheegay inay u xiranyihiin falal tuuganimo ah waxaana uu sheegay inay dhici…
Degmadda baardheere ee gobolka gedo kumanaan qoys oo kamid ah beeralayda waraabka ee degmadda iyo deegaanada hoos yimaada ayaa xiligaan waxaa ay wajahayaan daruufo adag oo xaga noolasha ah. Qoysaskan ayaa wax soo saarkii ay ku tiirsanayd noolashooda ku baa,ba,day fatahaadii webiga jubba uu sameeyay dabayaaqadii bishii oktoobar ee sanadkan. Kulan balaaran oo maanta ay isugu yimaadeen gudiga beeralayda baardheere,gudiga horumarinta iyo gudiga gurmadka fatahaadaha degmada ayaa waxay oga hadleen qasaaraha soo gaaray beeralyda kuwaas oo ilaa hada aanan helin wax gurmad ah waxayna sidoo kale hadleen qaabka ugu haboon ee ay beeralayda dib ugu laaban karaan beerahooda. Gudoomiyaha gudiga…
Sawiro:- Saraakiil kasocotay Maxkamada darajadda koowaad ee ciidamada Qalabka sida oo goob fagaare ah kula hadlay qaybaha kala duwan ee ciidamada ka hawlgalo degmadda B/xaawo ee Gobolka Gedo
Masuuliyiin kasocotay maxkamada darajada 1 aad ee ciidamada qalabka sida kuwaas oo isugu jiro garsoorayaal,xeer ilaaliyaal,abuukaatayaal iyo saraakiil ayaa saaka fayl guud waxay kula hadleen qaybaha kala duwan ee ciidamada sida NISA,booliska iyo daraawishta jubbaland ee ka hawlgalo degmadda Beledxaawo. Waxaa goob joog ahaa hogaanka amniga Gobolka gedo ahna taliyaha NISA gedo Gen Jamaal xasan sareey,G/sare xuseen giif taliyaha booliska ee gobolka gedo,gudoomiyaha degmadda beledxaawo c/rashiid caroog cabdi iyo saraakiil kale waxaana saraakiisha iyo askarta ay ku dhiirageliyeen dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta danta,dalka iyo dadka deegaanka iyagoona kula dardaarmay joogtayna shaqada qaranka iyo inay ka dhawrsadaan fal kaste oo…
Sawiro:-Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida oo degmada B/xaawo ku qabatay dhagaysiga kiisaska shaqsiyaad dilal gaystay
Maxkamada derajada 1 aad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta u fadhiisatay dacwad lid ku ah labbo eedaysane oo lagu kala magacaabo hodan diiriye xuseen iyo dable NISA ibraahim ismaaciil dhimbil(boorane) kuwaas oo horay dilal kala duwan uga gaystay degmadda beledxaawo ee Gobolka gedo. Eedaysanad hodan diiriye xuseen ayaa horay u dishay ninkeeda oo lagu magacaabi jiray D/le POL,aadan cali aadan kadib muran soo kala dhex galay labadooda. Halka eedaysanaha labaad oo lagu magacaabo D/le NISA ibraahim ismaaciil dhinbil uu si bareer ah dil uu ugu gaystay maxrxuum D/le POL cabdi aadan cali. Waxaa garmaqalka labada eedaysane daah furay G/dhexe…
SAWIRO:- Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshadda dowladda jubbaland oo degmadda doolow kusoo gabagabaysay tababarka shaqaalaha xarumaha caafimaadka degmooyinka Gobolka Gedo
Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowlada goboleedka jubbaland ayaa maanta degmadda degmada doolow ee gobolka gedo kusoo gababaysay tababar kusaabsanaa ilaalinta iyo ka jawaab celinta cudurada dilaaca iyo habka maareenta xogta caafimaadka. Agaasimaha waaxda caafimaadka bulshada ee wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada jubbaland DR maxamed bashiir ayaa goob joog ahaa goobta lagu soo qabanayay tababarkan. Ugu danbayn waxaa sidoo kale goob joog ahaa agaasimaha wasaarada caafimaadka jubbaland ee Gobolka Gedo axmed khalif,lataliyaha maaraynta xogta caafimaadka,saraakiisha caafimaadka heer degmo iyo heer Gobol iyo saraakiil ka socotay wasaarada caafimaadka dowladda Federaalka.
SAWIRO:- Hay,adda UNHCR oo kaashanaysa wasaarada Gargaarka jubbaland oo degmadda Doolow gaarsiiyay dooni
Ha,adda UNCHR oo kaashanaysa wasaaradda gargaarka jubbaland ayaa maanta degmadda doolow ee gobolka gedo gaarsiisay dooni nooca dheereeya ah. Waxaa ay hay,addu doontaan ugu tala gashay in lagu samatabixiyo qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha webiga ee go,doonka kujira. Gudoomiye kuxigeenka degmadda doolow aadan bare cali iyo madaxa mashaariicda iyo xeriirka hay,adaha degmadda maxamed khadar maxamuud sahal ayaa doonta kala wareegay saraakiisha kasocotay hay,ada UNHCR. Hay’adda UNHCR oo kashaneysa Wasaaradda Gargaarka Jubaland ayaa degmada Doolow soo gaarsiisay dooni nooca dheereeya ah. Hay,adaha gargaarka bini aadantinimada ayaa dedaal dheeraad ah ku bixinaya sidii loogu gurman lahaa dadka ay daadadku saameeyeen ee kunool guud…
Ciidamada xooga iyo kuwa daraawiishta galmudug ayaa saaka la wareegay deegaano dhaca koonfurta gobolka mudug ,kadib markii ay halkaasi ay ka sameeyeen hawlgalo. Waxaa kamid ah deegaanada ay la wareegeen ciidamada dhagax-dheer iyo daahir cali xayloow kuwaas oo hoostaga degmadda caad. Saraakiisha hogaaminaysay ciidamada ayaa sheegay in uu wali socdo hawlgalka isla markaana maleeshiyada kooxda lagu baacsanayo dhulka hawdka ah. Gobobolka mudug waxaa uu kamid yahay meelaha sida dar dar ta leh uga socdaan hawlgalada ka dhanka ah masleeshiyada kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladada iyo kuwa deegaanka.
SAWIRO:- Injineero heer calami ah iyo Gudiga gurmadka fatahaadaha ee Hay,adda al raxma foundation oo gaaray degmadda luuq
Waxaa maanta degmadda luuq ee gobolka gedo gaaray gudiga gurmadka fatahaadaha ee hay,ada al raxma foundation iyo injineero heer calami ah kuwaas oo qiimayn ku sameeyay waxyeelada soo gaartay buundada iyo garoonka degmadda. Gudoomiye kuxigeenka gobolka gedo Cismaan nuux xaaji (macalimow) iyo gudoomiyaha degmada luuq daahir muxumed nuur (caato) ayaa waftigaan waxaa ay geeyeen buundada iyo garoonka waxaana ay uga warbixiyeen waxa ay ka qabteen goobaha muhiimka u ah bulshadda. Ugu danbayn gudoomiyaha degmadda luuq ayaa uga mahad celiyay waftigaan sida ay waqtigooda ugu soo hureen in ay imaadaan degmadda ,waxaana uu sheegay in baahi wayn loo qabay in injineero…
Maamulka jubbaland oo amar kusiiyay maamulka degmadda doolow ee Gobolka gedo inay soo wareejiyaan qalabka saadaasha Hawada ee uu isticmaalo garoonka diyaaradaha Doolow
Wasiirka amniga ee maamulka jubbaland sareeyo gaas yuusuf xuseen cismaan (dhuumaal) ayaa ku amray maamulka degmadda Doolow inay soo wareejiyaan Qalabka saadaasha Hawada ee uu isticmaalo garoonka diyaaradaha ee degmadda. Xogta aan helayno ayaa sheegayso in amarkaan uu si guud uga soo baxay madaxwaynaha maamulka juballand Axmed maxamed islaam ( axmed madoobe) kaas oo wasiirka amarka soo siiyay in qalabkaas oo garoonka uu ku shaqaynaayo laga soo furo. Gudoomiyaha degmadda doolow ee Gobolka gedo maxamed xuseen cabdi (lafeey) ayaa iska diiday amarka uga yimid wasiir dhuumaal oo ah in qalabkaas laga soo furo garoonka kaasi oo ay isticmaalaan bulshadda deegaanka…
Howlgal lagu lagu dilay xubno katirsan maleeshiyada Alshabaab oo ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo howlgal qorshaysan oo maanta ciidamadda Dowladda iyo kuwa deegaanka ka sameeyeen deegaano hoostago degmadda xarar-dheere ee koonfurta Gobolka mudug. Waxaa howlgalkani lagu beegsaday saldhig wayn oo maleeshiyada kooxda al shabaab ku lahayd deegaanka baraag gur-guurte oo dhinaca galbeed ka xiga degmadaasi. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in holwgalkani lagu dilay in ka badan 33 xubnaha katirsan maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.