Taliska ciidanka ha,adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ee ka hawlgala gobolka hiiraan ayaa maanta hawlgal culus oo ay ka sameeyeen magalaadda beledwayne waxay kusoo qabteen Shabakad shabaab ah oo qorshaynaayay inay kasii tilaabaan gobolka hiiraan.
Saraakiisha NISA oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa u sheegay in xubnahaan maleeshiyada kooxda shabaab doonayeen in gobolka hiiraan uga tilaabaan gobolka Gal-gaduud oo uu ka socdo howlgal ka dhan ah kooxda.
Hay,adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii u danbeeyay hawlgalo qorshaysan ku beegsanaysay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab kuwaas oo lagu dilay dagaal yahano badan.