Abaare saacadu markay ahayd 01:00 PM ee duhurnimo waxaa degmadda xamar wayne ee gobolka banaadir ka dhacay qarax xoogaan kaasi oo inta badan laga wada maqlay magaaladda muqdisho.
Booliska soomaaliya oo war kasoo saaray qaraxaan ayaa waxay sheegeen in iyagu qarxiyeen qaraxa kaas oo dhagar qabayaal katirsan Kooxda shabaab ay dhigeen suuqa marwaas gaar ahaan kaalin shidaal oo kutaalo degmadda xamar wayne.
Ka hor inta aysan ciidanka Booliska qarxinin miinada ayay dadka shacabka ee wadada isticmaalayay ka badbaadiyeen iyagoo xiray goobta mana jirto wax qasaare ah oo ka dhashay.