Kooxaha burcadbadeeda soomaalida ayaa sii daayay sagaal kaluumaysato ah oo u dhashay dalka yemen oo ay horay uga qafaasheen xeebaha soomaaliya.
Dabayaaqadii bishii hore ayay ahayd markii koox burcad badeed soomaali ah ay afartan iyo seddex kaluumaysato ah ka afduubteen degmadda Xaafuun ee gobolka bari.
Soddon iyo afar qof oo kamid ah ayaa laga sii daayay gudaha soomaaliya,ehelka mid kamid ah dadka la afduubtay ayaa sheegay in tilifoon ay ka heleen kaluumaysatada oo lagu ogaysiiyay sii dayntooda,waxaana ay sheegen inay dib ugu laabanayaan magaalo xeebeedka al Mukalla ee koonfurta wadanka yemen.
Hay,ada hawlaha ganacsiga badaha ee UK oo lasocoto dhacdooyinka ka dhaca badda,ayaa sheegtay isniintii inay heshay diginin ka timid badda Cas oo ku saabsan labbo doonyood oo yaryar oo aan la aqoonsan oo kusoo wajahan Markab Ganacsi oo ku sugan meel konton Mayl koonfur bari ka xigta dekeda Mocha ee yemen.