Diyaarad nooceedu yahay helikobtar oo shalay ugacan gashay maleeshiyadda al shabaab kuna duulaysay magaca UNSOS ayaa wasiirka amniga maamulka Galmudug oo la hadlay BBC-da u sheegay in cilad ay qabsatay ayna deg-deg u fariisatay deegaan hoosyimaado xiin-dheere oo katirsan gobolka gal-gaduud.
“Meesha ay ku degtay waa meel baadiye ah,cilad ayaana ku kaliftay inay halkaa ku degto” ayuu yiri masuulkaas.
“Dadkii reer miyiga ahaa ee deegaankaas ayaa kusoo xoomay diyaarada oo ku degtay meel u dhaxayso xiindheere iyo xagareey,kadibna dadkii deegaanka oo ku dhegan dadkii diyaarada saarnaa ayaa waxaa u yimid maleeshiyada al-shabaab oo sidaas kusoo fara geliyay,ayuu yiri.
Wuxuu xaqiijiyay in mid ka mid ah ragii diyaaradaas saarnaa la dilay.’ Waxaa la dilay mid kamid ah dadkii diyaarada saarnaa,waana muwaadin masar u dhashay” ayuu sii raaciyay.
Waxaa uu intaa ku daray inay jiraan qaar kamid ah dadkii helikobtarka saarnaa oo baxsadat.”labbo kamid ah dadkii diyaarada la socday ayaa baxsaday isla markii ay degtay,waana duuliyihii diyaarada iyo dhaqtar soomaalo ah”ayuu sii raaciyay.
Masuulkaas oo u waramay BBC-da waxaa kale oo uu sheegay in afartii qof ee kale ay al shabaab u kaxaysteen dhinaca xiin-dheere.
Diyaarada helikobtarka ah ayaa Meesha ay ku degtay waxay qiyaastii dhinaca bari ka xigtaa magaaladda dhuusomareeb 76km.
Deegaanada galmudug iyo hirshabeele ayaa dhowrkii bilood ee u danbeeyay waxaa uu dagaal qaraar ku dhexmaray ciidmada dowladda,ciidanka deegaanka oo dhinac ah iyo maleeshiyada kooxda al-shabaab.