Diyaarad helikobtar ah oo ay leedahay qaramada midoobay oo maanta ka duushay magaaladda baladwayne kuna sii jeeday deegaanka wisil ee gobolka Mudug ayaa lagu dejiyay deegaanka xiin-dheere ee Gobolka galgaduud halkaas oo ay haystaan maleeshiyada kooxda al shabaab.
Waxaa diyaaradaan helikobtarka ah saarnaa siddeed kamid ah shaqaalaha UN,hub iyo saanad ciidan waxaana wararka ay sheegayaan in is difaaceen saraakiishii saarnayd balse ugu danbayn lala wareegay.
Lama ogo sababta ay ugu degtay helokobtarkan deegaan ay maamulaan shabaab,wixii kusoo kordho kala soco www.warkanews.com