Wararka naga soo gaaraya degmadda doolow ee Gobolka gedo ayaa sheegaya in maanta kufsi ay ka gaysteen ciidamada itoobiyaanka ee ku sugan degmadaas.
Ciidamada itoobiya ayaa kufsaday labbo haween ah kuwaasi oo kamid ah dadka barakacyaasha xili ay ay qoryo guranayeen meel magaalada duleedkeeda ah.
Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in saraakiisha itoobiyaanka iyo qaar kamid ah masuuliyiinta degmadda doolow ay wadaan in dhacdada si hoose loo xaliyo isla mar ahaantana lacago lasiiyo dadka dhibaatada loo gaystay.