Author: Omar

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in hawlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Nuur gare oo hoostaga degmadda awdheegle ee Gobolka shabeelaha hoose lagu qaarajiyay 2 kamid ah horjoogeyaasha kooxda Alshabaab. Horjoogeyaashaan la dilay ayaa lagu kala magacaabaa cumaraani maxamed malaaq oo kooxda u qaabilsanaa deegaanka bariire iyo saabir oo kooxda u qaabilsanaa baadda iyo boobka dadka beeralayda ah. Dhanka kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hawlgal qorshaysan  lagu dilay 7 kamid ah maleeshiyada Kooxda alshabaab kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisin ay ku lahaayeen duleedka degmadda caad ee gobolka mudug. Halkaan Hoose ka aqriso warsaxaafadeedka

Read More

Waxaa markale qarax lala eegtay gaari  booyad ah ah kuwa shidaalka qaada kaasi oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta hormuud. Qaraxaan ayaa ka dhacay xaafada waxar cade ee degmadda heliwaa waxaana wararku intaas ku darayaan in aysan jirin qasaaro naafeed laakiin waxaa gebi ahaanba gubtay oo basbeelay booyadii iyo shidaalkii ay waday. Muddo 48 saacadood gudahood waa qaraxii labaad ee lala beegsado gaari ay leedahay shirkada isgaarsiinta ah ee hormuud. Labbo maalin ka hore ayay ahayd markii kharax lagu xiray gaari noociisu yahay NOHA kaasi oo ay leedahay shirkada Hormuud isla degmadda heliwaa  lagu qarxiyay waxaana qaraxaan uu sababay dhimashada shaqaale…

Read More

Taliska hay,adda Nabad sugida iyo sirdoonka koonfur Galbeed ayaa hawlgal qorshaysan oo ay kafuliyeen xaafada mursal ee magaaladda baydhabo waxaa ay kusoo saareen miino. Miinadan ayaa waxaalagu aasay suuq mursal waxaana maleeshiyada qawaarijta doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed ee ku ganacsada isgoyska suuq mursal oo miinada lagu aasay. Saraakiisha NISA waxay sheegeen in ay ku raad joogaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay miinadaas la fashiliyay. Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka koonfur galbeed ayaa sheegay in ay wadaan dedaalo ay ugu jiraan sidii ay u bad baadin lahaayeen nafta iy maalka shacabka soomaaliyeed.

Read More

Waxaa degmada buurdhuubo ee gobolka Gedo gaaray saraakiil kasocotay hay,ada cunada aduunka ee WFP . Waftigaan waxaa hogaaminayay madaxa ugu sareeyo WFP  maamulada jubbaland iyo koonfur galbeed waxaana si diiran garoonka ugu soo dhaweeyay maamulka degmadda buurdhuubo. Saraakiishaan kasocotay WFP ayaa booqasho ku tagay qaar kamid ah IDPS degmadda goobta ay ku shaqayso hay,adda TAAS waxayna sidoo kale booqdeen buundadii go,day ee degmadda. Ugu danbayn maamulka degmadda iyo saraakiisha ayaa yeeshtay kulan kaasi oo looga hadlay sidii hay,adaha gargaarka bini aadanimo qaybahooda kala duwan ee ka hawlgala dalka iyo deegaanada jubbaland ay u derder gelin lahaayeen gurmadka ay u baahanyihiin…

Read More

Taliyaha guutada 10 aad qaybta 43 aad ciidamada ciidamada xooga dalka soomaaliyeed gaashaanle sare cisman shiikh cabdi qorax ayaa saaka waxaa uu kulan la yeeshtay maamulka degmadda buurdhuubo iyo saraakiisha ururka 48 aad guutada 10 aad ee magaalada buurdhuubo. Waxaa shirkaan goob jog ahaa taliyaha saadka guutada 10 aad,taliyaha ururka 48 aad guutada 10 aad,taliyaha saldhiga booliska ee degmadda iyo ku xigeenkiisa,xubno kamid ah saraakiisha ururka 48 aad iyo maamulka degmadda buurdhuubo. Kulankaan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhawr ah kuwaas oo ay kamid yihiin xoojinta Amniga,qaabkii lagu caawin lahaa dadka ay saamaynta ku yeelatay fatahaadii…

Read More

Waxaa saaka deegaanka kamoorow oo hoostaga degmadda doolow ee Gobolka Gedo tagay ciidamo isku dhaf ah kuwaas oo ka kala socday nabadsugida,booliska iyo xafiiska gudoomiyaha degmadda doolow halkaasi oo ay ku dagalaameen labbo beelood wada dega deegaankaas. Saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga ayaa ku guulaystay inay kala dhex galaan labadaan beelood ee dirirtu dhex martay. Dagaalka labadaan beelood ayaa waxaa uu ka bilowday jarista dhirta deegaanka waxaana masuuliyiinta amniga iyo maamulka oo la kulmay odoyaasha deegaanka kamoorow u sheegeen in dhacdadaan gudi loo saari doono ,dadkii dhibaatooyinka meesha ka dhacay ka danbeeyayna sharciga la horkeeni doono.

Read More

Wasiirka amniga gudaha maamulka jubbaland sareeye gaas yuusuf xuseen cisman(dhuumaal) kaasi oo ay wehlinayaan taliyaha qaybta 43 aad ee ciidanka xooga dalka iyo taliyaha ciidanka daraawiishta jubbaland ayaa maanta waxaa ay kormeer ku tageen saamaynta fatahaada ku yeelatay xeryaha ciidamada dowladda waxay ku tageen deegaanka buulo gaduud. Wasiir dhuumaal ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka waxayna uga warbixiyeen xaalada kajirta deegaanka.

Read More

Waxaa maanta maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida xukuno dil ku xukuntay labbo eedaysane kuwaasi oo horay degmada beled-xaawo ee gobolka gedo uga gaystay dil. Xukunsanayaasha ayaa lagu kala magacabaa hodan diiriye oo horay u dishay saygeeda kuna dishay degmadda beledxaawo iyo dable NISA ibraahim ismaaciil dhinbil salaad oo isagana dilay askari katirsanaa ciidanka booliska ee degmadda beledxaawo.

Read More

Hawlgal ay si wadajir u sameeyeen ciidamada Booliska iyo nabadsugida ee ka hawlgala degmadda doolow ee gobolka Gedo ayaa saaka waxaa ay soo qabteen dhawr jawaan oo xashiish ah iyo qamri kuwaas oo laga keenay gudaha dalka itoobiya loona waday qaar kamid ah gobolada dalkeena soomaaliya. Ciidamada oo si dhaw ula socday xogta maandooriyahaan oo la qorshaynaayay in si dhuumaalaysi ah lagu soo geliyo degmadda ayaa ku guulaystay in ay soo qabtaan maandooriyahaan iyo shaqsiyaadkii watay. Taliyaha booliska ee degmadda doolow maxamuud cabdi xaashi, ku xigeenkiisa c/siis ooyow iyo taliyaha xigeenka nabad sugida degmadda xasan maxamed salaad( diiris) oo hogaaminayay…

Read More

Gudoomiyaha degmadda luuq ee gobolka daahir muxumed nuur(caato) ayaa maanta kulan is xog waraysi ah waxaa uu la qaatay taliyaha saldhiga ee degmadda luuq labbo xidigle axmed cabdi xuseen. Gudoomiyaha ayaa su,aalo waydiiyay taliyaha kuwaas oo ku saabsan dadka ku xiran saldhiga iyo danbiyada lagu soo eedeeyay. Taliyaha saldhiga ayaa sheegay in saldhiga ku xiran yihiin maxaabiis tiradooda tahay 12 qof kuwaas oo ku eedaysan danbiyo kala duwan sida nin horay dil u gaystay,nin tooray qof ku dhaawacay,haweenay iibinaysay muqaadaraad sida qamri iyo xashiish,waxaana 9 qof kale uu sheegay inay u xiranyihiin falal tuuganimo ah waxaana uu sheegay inay dhici…

Read More