Waxaa saaka deegaanka kamoorow oo hoostaga degmadda doolow ee Gobolka Gedo tagay ciidamo isku dhaf ah kuwaas oo ka kala socday nabadsugida,booliska iyo xafiiska gudoomiyaha degmadda doolow halkaasi oo ay ku dagalaameen labbo beelood wada dega deegaankaas.
Saraakiisha kala duwan ee laamaha amniga ayaa ku guulaystay inay kala dhex galaan labadaan beelood ee dirirtu dhex martay.
Dagaalka labadaan beelood ayaa waxaa uu ka bilowday jarista dhirta deegaanka waxaana masuuliyiinta amniga iyo maamulka oo la kulmay odoyaasha deegaanka kamoorow u sheegeen in dhacdadaan gudi loo saari doono ,dadkii dhibaatooyinka meesha ka dhacay ka danbeeyayna sharciga la horkeeni doono.