Hawlgal ay si wadajir u sameeyeen ciidamada Booliska iyo nabadsugida ee ka hawlgala degmadda doolow ee gobolka Gedo ayaa saaka waxaa ay soo qabteen dhawr jawaan oo xashiish ah iyo qamri kuwaas oo laga keenay gudaha dalka itoobiya loona waday qaar kamid ah gobolada dalkeena soomaaliya.
Ciidamada oo si dhaw ula socday xogta maandooriyahaan oo la qorshaynaayay in si dhuumaalaysi ah lagu soo geliyo degmadda ayaa ku guulaystay in ay soo qabtaan maandooriyahaan iyo shaqsiyaadkii watay.
Taliyaha booliska ee degmadda doolow maxamuud cabdi xaashi, ku xigeenkiisa c/siis ooyow iyo taliyaha xigeenka nabad sugida degmadda xasan maxamed salaad( diiris) oo hogaaminayay hawlgalka ayaa uga digay shaqsiyaadka caadaystay in xaduudka kasoo gudbiyaan maandooriye in ay ka waantoobaan,hadii kale ay soo qabanayaan si sharciga loo horgeeyo dambiga ay galeen looguna qaado.