Taliska hay,adda Nabad sugida iyo sirdoonka koonfur Galbeed ayaa hawlgal qorshaysan oo ay kafuliyeen xaafada mursal ee magaaladda baydhabo waxaa ay kusoo saareen miino.
Miinadan ayaa waxaalagu aasay suuq mursal waxaana maleeshiyada qawaarijta doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed ee ku ganacsada isgoyska suuq mursal oo miinada lagu aasay.
Saraakiisha NISA waxay sheegeen in ay ku raad joogaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay miinadaas la fashiliyay.
Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka koonfur galbeed ayaa sheegay in ay wadaan dedaalo ay ugu jiraan sidii ay u bad baadin lahaayeen nafta iy maalka shacabka soomaaliyeed.