Gudoomiyaha degmadda luuq ee gobolka daahir muxumed nuur(caato) ayaa maanta kulan is xog waraysi ah waxaa uu la qaatay taliyaha saldhiga ee degmadda luuq labbo xidigle axmed cabdi xuseen.
Gudoomiyaha ayaa su,aalo waydiiyay taliyaha kuwaas oo ku saabsan dadka ku xiran saldhiga iyo danbiyada lagu soo eedeeyay.
Taliyaha saldhiga ayaa sheegay in saldhiga ku xiran yihiin maxaabiis tiradooda tahay 12 qof kuwaas oo ku eedaysan danbiyo kala duwan sida nin horay dil u gaystay,nin tooray qof ku dhaawacay,haweenay iibinaysay muqaadaraad sida qamri iyo xashiish,waxaana 9 qof kale uu sheegay inay u xiranyihiin falal tuuganimo ah waxaana uu sheegay inay dhici jireen dadka shacabka ah.
Ugu danbayn gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyay taliska booliska ee degmadda luuq shaqada wanaagsan ee ay qabteen ee ay u hayaan shacabka waxaana uu kula dardaarmay inay gacan adag ku qabtaan dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa dhaca gaysta.