Waxaa markale qarax lala eegtay gaari booyad ah ah kuwa shidaalka qaada kaasi oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta hormuud.
Qaraxaan ayaa ka dhacay xaafada waxar cade ee degmadda heliwaa waxaana wararku intaas ku darayaan in aysan jirin qasaaro naafeed laakiin waxaa gebi ahaanba gubtay oo basbeelay booyadii iyo shidaalkii ay waday.
Muddo 48 saacadood gudahood waa qaraxii labaad ee lala beegsado gaari ay leedahay shirkada isgaarsiinta ah ee hormuud.
Labbo maalin ka hore ayay ahayd markii kharax lagu xiray gaari noociisu yahay NOHA kaasi oo ay leedahay shirkada Hormuud isla degmadda heliwaa lagu qarxiyay waxaana qaraxaan uu sababay dhimashada shaqaale katirsan xarunta ay shirkadu ku leedahay degmada heliwaa ee magaalada muqdisho waxaana sidoo kale dhaawacyo halis ah kasoo gaareen shaqaale katirsan shirkadda.
Lama ogo ilaa iyo hadda sababta iyo cida beegsanayso shirkadda isgaarsiinta hormuud mana jirto cid ay laamaha amaanka ee dowladdu usoo xireen qaraxyadaan.