Taliyaha guutada 10 aad qaybta 43 aad ciidamada ciidamada xooga dalka soomaaliyeed gaashaanle sare cisman shiikh cabdi qorax ayaa saaka waxaa uu kulan la yeeshtay maamulka degmadda buurdhuubo iyo saraakiisha ururka 48 aad guutada 10 aad ee magaalada buurdhuubo.
Waxaa shirkaan goob jog ahaa taliyaha saadka guutada 10 aad,taliyaha ururka 48 aad guutada 10 aad,taliyaha saldhiga booliska ee degmadda iyo ku xigeenkiisa,xubno kamid ah saraakiisha ururka 48 aad iyo maamulka degmadda buurdhuubo.
Kulankaan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhawr ah kuwaas oo ay kamid yihiin xoojinta Amniga,qaabkii lagu caawin lahaa dadka ay saamaynta ku yeelatay fatahaadii el-nino iyo xaqiijinta amniga degmadda iyo deegaanada hoosyimaado.
Ugu danbayn kulanka ayaa kusoo dhamaaday in la fuliyo qodobada laga wada hadlay oo ay ugu horayso xaqiijinta amniga.