Waxaa degmada buurdhuubo ee gobolka Gedo gaaray saraakiil kasocotay hay,ada cunada aduunka ee WFP .
Waftigaan waxaa hogaaminayay madaxa ugu sareeyo WFP maamulada jubbaland iyo koonfur galbeed waxaana si diiran garoonka ugu soo dhaweeyay maamulka degmadda buurdhuubo.
Saraakiishaan kasocotay WFP ayaa booqasho ku tagay qaar kamid ah IDPS degmadda goobta ay ku shaqayso hay,adda TAAS waxayna sidoo kale booqdeen buundadii go,day ee degmadda.
Ugu danbayn maamulka degmadda iyo saraakiisha ayaa yeeshtay kulan kaasi oo looga hadlay sidii hay,adaha gargaarka bini aadanimo qaybahooda kala duwan ee ka hawlgala dalka iyo deegaanada jubbaland ay u derder gelin lahaayeen gurmadka ay u baahanyihiin dadka ay saameeyeen fatahaadaha el-nino ee webiga jubba.