- AKHRISO:Maamulka iyo wariyaasha warkanews.com oo dhamaan bulshadda soomaaliyeed u diraya hambalyo ku aadan ciida
- AQRISO+SAWIRO:Gudoomiyaha degmadda B/xaawo oo shir gudoomiyay shirka amniga ee degmadaas
- DEG-DEG:Wasaaradda shaqadda Jubbaland oo fasaxday shaqaalihii wasaaradaas+sababta
- AKHRISO:Dowladda soomaaliya oo loogu deeqay diyaarado Dagaal oo casri ah
- AKHRISO:Ciidamo la wareegay deegaan istiraatiiji ah oo katirsan Gobolka Gedo
- AQRISO+SAWIRO:Mas halis ah oo gabdho ku cunay Deegaan katirsan Gobolka galgaduud
- DEG-DEG:Wasaarada amniga jubbaland oo magacaabis samaysay
- AKHRISO+SAWIRO:Imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe oo laga daahfuray degmadda Doolow
Author: Omar
Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya xamse cabdi barre ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay siddeed mashruuc oo muhiim ah kuwaas oo dowladda federaalka soomaaliya ay ka hirgelinayso magaaladda laascaanood iyo guud ahaan deegaanadda maamulka SSC-Khaatumo. Ra,iisulwasaaraha oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimada ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahanyahay ayaa sheegay in mashaariicdaan ay xoojin doonaan isku xirka bulshada iyo dowladnimafa una gogol xaarauaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeena. Mashaariicda la dhagax dhigay ayaa kala ah:- 1.Madaxtooyada maamulka SSC-Khaatumo. 2.Xarunta socdaalka iyo jinsiyadda laanta laascaanood. 3.Xarunta booliska SSC-Khaatumo. 4.Xarunta…
AQRISO:Somaliland oo go,aamo Culus ka soo saartay socdaalka RW xamse ee Magaaladda Laascaanood
War kasoo baxay golaha waakiiladda Somaliland ayaa lagu sheegay in faragelin ay tahay safarka RW xamsa ee maanta uu ku tagay magaalada laascaanood,iyagoo xukuumadda madaxwayne cirro ugu baaqay in la joojiyo wadahadalada Somaliland iyo soomaaliya. Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka golaha wakiiladda Somaliland
Raysulwasaaraha xukuumadda soomaaliya xamsa cabdi barre ayaa maanta gaaray magaaladda laascaanood ee xarunta gobolka sool. Ra,iisulwasaaraha ayaa si wayn waxaa garoonka diyaaradaha ee maagaalada laascaanood ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta kala duwan iyo shacab farabadan. Waxaa la filayaa in raysalwasaare xamse uu kulan la qaato madaxda iyo bulshadda SSC khaatumo waxaana la tilmaamay in kulamada diirada lagu saari doono xeriirka khaatumo iyo dowladda federaalka soomaaliya. Dhinaca kale ra,iisulwasaraaha ayaa la qorshaynaynaa in uu dhagax dhigo mashaariic lagu hormarinayo deegaanada maamulkaasi. Xamse cabdi barre waa raysalwasaarihii ugu horeeyay ee taga laascaanood tan iyo burburkii soomaaliya.
Wararka inaga soo gaaraya khaatumo ayaa sheegaya in magalaada laascaanood ay gaareen ciidamada ilaalada ra,iisulwasaare xamse cabdi barre iyo wafti hordhac u ah,iyadoo la filayo in uu raysalwasaaraha halkaasi gaaro. Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo maamulka Somaliland ay si wayn uga horyimaadeen tegista ra,iisulwasaaraha soomaaliya. Sidoo kale Puntland ayaan ku faraxsanayn socdaalkan. Ammaanka magaaladda laascaanood ayaa si wayn loo adkeeyay,iyadoo ciidamada ilaalada xafiiska raysalwasaaraha ay la wareegeen goobaha uu tagi doono R/wasaare xamse. Waftiga ayaa waxaa qayb ka ah wasiiro katirsan xukuumadda soomaaliya iyo xildhibaano katirsan labadda gole ee baarlamaanka soomaaliya.
Dowladda federaalka soomaaliya ayaa daabulidoonto ciidamada ay gaysay degmadda ceelwaaq ee Gobolka gedo waxaana lagu celin doonaa magaaladda muqdisho. Ciidamada ayaa in muddo ah halkaasi kusugnaa inkastoo siyaabo kale qaarkood ay ku gaareen muqdisho. Saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu mashquulsanaa goobaha lagaynayp ciidamadda iyo garoonka laga qaadayo. Saraakiisha dowladda ee gobolka gedo iyo madaxwayne kuxigeenka jubbaland ayaa dhameeyay in ciidamada lasoo dhexmariyo dalka Kenya kadibna la keeno magaaladda beledxaawo. Dedaalo lagu doonayo in dowladda dib ugu furto garoonka degmadda doolow ayaa socdo si ciidamada halkaasi looga daabulo walina jawaab cad ma bixin dowladda. Sababaha keenay ciidamada in muqdisho lagu celiyo…
Waxaa qaraxa uu ka dhacay maqaaxi ku taala xaafada busleey ee magaaladda mandera. Maqaaxida la qarxiyay ayaa kaabiga ku haysa guriga senatarka mandera waxaana iska leh dad danyar ah oo quutol yoomkooda ka raadsada halkaas. Qaraxa ayaa burburiyay maqaaxida mana jirto cid wax ku noqotay sida warkanews.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka. Laamaha amaanka ee magaalada mandera ayaa xiligaan kusugan goobta uu qaraxa ka dhacay oo halkaasi ka wado baaritaano.
War hadda inaga soo gaaray magaalada mandera ee Gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay magaaladaasi,faahfaahinta kala soco warkanews.com.
Gudoomiyaha gobolka Gedo ee garabka dowladda federaalka soomaaliya cabdulaahi cabdi jaamac (shimbir) ayaa gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada ee degmadda B/xaawo u magacaabay Ibraahim cabdi aadan. Halkaan hoose ka aqriso warqadda magacaabista ah
Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam (madoobe) ayaa daahfurau shirwaynaha bandhigga maalgashigga dhaqaalaha buluugga ah ee jubbaland. Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa sanadkan hal ku dhig looga dhigay “ kaa faa,iidaysiga dhaqaalaha buluugga jubbaland”. Kulankan oo ay soo qabanqaabsiay wasaarada kaluumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ee jubbaland ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo heli lahaa maalgashi caalami ah iyo mid maxali ah oo lagu horumarinayo qayraadka hodanka ah ee badaha jubbaland. Madaxwaynaha ayaa qudbadiisa ku dhiirigeliyay maalgashadayaasha caalamiga ah,qurbo joogta soomaaliyeed iyo ganacsatada dalka in ay si buuxda uga faa,iidaystaan fursadaha dhaqaale ee jubbaland. Sidoo kale madaxwaynaha wuxuu cadeeyay…
Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee garabka dowladda federaalka soomaaliya cabdulaahi cabdi jaamac (shimbir) ayaa gudoomiye kuxigeenka ambiga iyo siyasada degmadda b/xaawo u magacaabay Maxamed isxaaq cabdi biriq. Halkaan hoose ka aqriso warqadda magacaabista ah