Wararka inaga soo gaaraya khaatumo ayaa sheegaya in magalaada laascaanood ay gaareen ciidamada ilaalada ra,iisulwasaare xamse cabdi barre iyo wafti hordhac u ah,iyadoo la filayo in uu raysalwasaaraha halkaasi gaaro.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo maamulka Somaliland ay si wayn uga horyimaadeen tegista ra,iisulwasaaraha soomaaliya.
Sidoo kale Puntland ayaan ku faraxsanayn socdaalkan.
Ammaanka magaaladda laascaanood ayaa si wayn loo adkeeyay,iyadoo ciidamada ilaalada xafiiska raysalwasaaraha ay la wareegeen goobaha uu tagi doono R/wasaare xamse.
Waftiga ayaa waxaa qayb ka ah wasiiro katirsan xukuumadda soomaaliya iyo xildhibaano katirsan labadda gole ee baarlamaanka soomaaliya.