Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya xamse cabdi barre ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay siddeed mashruuc oo muhiim ah kuwaas oo dowladda federaalka soomaaliya ay ka hirgelinayso magaaladda laascaanood iyo guud ahaan deegaanadda maamulka SSC-Khaatumo.
Ra,iisulwasaaraha oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimada ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahanyahay ayaa sheegay in mashaariicdaan ay xoojin doonaan isku xirka bulshada iyo dowladnimafa una gogol xaarauaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeena.
Mashaariicda la dhagax dhigay ayaa kala ah:-
1.Madaxtooyada maamulka SSC-Khaatumo.
2.Xarunta socdaalka iyo jinsiyadda laanta laascaanood.
3.Xarunta booliska SSC-Khaatumo.
4.Xarunta cilmiga farsamada gacanta ee Sayid Maxamed.
5.Waddo laami ah oo isku xiri doonta samakaab iyo buuhoodle.
6.Xafiisyo kala duwan oo ay ku shaqayn doonaan maamulka SSC-Khaatumo.
7.Xarunta qaran ee gurmadka degdega ah (SoDMA).
8.Isbitaalka dowladda SSC-Khaatumo (State house hospital).
Raysalwasaare xamsa ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahaan muhiimka ah kuwaas oo bixin doona adeegyada muhiimka ah ee dowladda isagoo balanqaaday in mashaariic kale oo badana dowladdu keeni doonto mustaqbalka.