Waxaa qaraxa uu ka dhacay maqaaxi ku taala xaafada busleey ee magaaladda mandera.
Maqaaxida la qarxiyay ayaa kaabiga ku haysa guriga senatarka mandera waxaana iska leh dad danyar ah oo quutol yoomkooda ka raadsada halkaas.
Qaraxa ayaa burburiyay maqaaxida mana jirto cid wax ku noqotay sida warkanews.com u xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Laamaha amaanka ee magaalada mandera ayaa xiligaan kusugan goobta uu qaraxa ka dhacay oo halkaasi ka wado baaritaano.