Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam (madoobe) ayaa daahfurau shirwaynaha bandhigga maalgashigga dhaqaalaha buluugga ah ee jubbaland.
Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa sanadkan hal ku dhig looga dhigay “ kaa faa,iidaysiga dhaqaalaha buluugga jubbaland”.
Kulankan oo ay soo qabanqaabsiay wasaarada kaluumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ee jubbaland ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo heli lahaa maalgashi caalami ah iyo mid maxali ah oo lagu horumarinayo qayraadka hodanka ah ee badaha jubbaland.
Madaxwaynaha ayaa qudbadiisa ku dhiirigeliyay maalgashadayaasha caalamiga ah,qurbo joogta soomaaliyeed iyo ganacsatada dalka in ay si buuxda uga faa,iidaystaan fursadaha dhaqaale ee jubbaland.
Sidoo kale madaxwaynaha wuxuu cadeeyay in maamulka jubbaland uu diyaar u yahay in uu taageero buuxda iyo fududayn siiyo cid kasta oo danaynaysa in maalgashi ku samayso qayraadka badaha jubbaland.