Dowladda federaalka soomaaliya ayaa daabulidoonto ciidamada ay gaysay degmadda ceelwaaq ee Gobolka gedo waxaana lagu celin doonaa magaaladda muqdisho.
Ciidamada ayaa in muddo ah halkaasi kusugnaa inkastoo siyaabo kale qaarkood ay ku gaareen muqdisho.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu mashquulsanaa goobaha lagaynayp ciidamadda iyo garoonka laga qaadayo.
Saraakiisha dowladda ee gobolka gedo iyo madaxwayne kuxigeenka jubbaland ayaa dhameeyay in ciidamada lasoo dhexmariyo dalka Kenya kadibna la keeno magaaladda beledxaawo.
Dedaalo lagu doonayo in dowladda dib ugu furto garoonka degmadda doolow ayaa socdo si ciidamada halkaasi looga daabulo walina jawaab cad ma bixin dowladda.
Sababaha keenay ciidamada in muqdisho lagu celiyo ayaa lagu sheegay in ay eheladooda ka dalbadeen DF in lasoo celiyo ciidamada maadaamo ay joogaan deegaan aysan udhalan.
Ciidamada Gedo ayaa bil walbo laga qaadaa gobolka kuwaas oo lageeyo shabeelooyinka iyo galgaduud oo ah furimo dagaal.
Magaaladda ceelwaaq horey waxaa kaga baxay ciidamadda Kenya ee howlgalka ATMIS qaybta ka ahaa sanadkii hore, maadaama ay galeen ciidamada la dhimayay waxaana goobahooda inay buuxiyaan loogeeyay ciidamadda hadda lasoo daabulayo.
Ceelwaakh waxaa kusugan ciidamo katirsan jubbaland inkastoo laga cabsi qabo inay ku filnaan waayaan sugida amniga degmadaas.