- AKHRISO:Maamulka iyo wariyaasha warkanews.com oo dhamaan bulshadda soomaaliyeed u diraya hambalyo ku aadan ciida
- AQRISO+SAWIRO:Gudoomiyaha degmadda B/xaawo oo shir gudoomiyay shirka amniga ee degmadaas
- DEG-DEG:Wasaaradda shaqadda Jubbaland oo fasaxday shaqaalihii wasaaradaas+sababta
- AKHRISO:Dowladda soomaaliya oo loogu deeqay diyaarado Dagaal oo casri ah
- AKHRISO:Ciidamo la wareegay deegaan istiraatiiji ah oo katirsan Gobolka Gedo
- AQRISO+SAWIRO:Mas halis ah oo gabdho ku cunay Deegaan katirsan Gobolka galgaduud
- DEG-DEG:Wasaarada amniga jubbaland oo magacaabis samaysay
- AKHRISO+SAWIRO:Imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe oo laga daahfuray degmadda Doolow
Author: Omar
AQRISO:Wasaarada waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare jubbalan oo shaacisay jadwalka imtixaanka ardayda aan shahaadiga ahayn
Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee maamulka jubbaland ayaa shaacisay jadwalka imtixanka ardayda aan shahaadiga ahayn ee sanadka dugsiyeedka 2024/2025.
DEG-DEG:Dowlada federaalka soomaaliya oo dib u furtay Garoonka diyaaradaha degmadda Doolow kadib in muddo ah oo xirnaa
Wasiirka wasaarada amniga gudaha ee xukuumadda federaalka soomaaliya cabdulaahi sh ismaaciil fartaag ayaa waxaa uu dib u furay garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow ee Gobolka Gedo kaasoo xirnaa muddo ka badan shan bilood iyo bar. Garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow ee gobolka gedo ayaa waxaa uu u xernaa wasiiru dowlaha cimiladda iyo deegaanka ee dowladda federaalka soomaaliya axmed cumar maxamed “ ilko-dheere” iyo Taliyaha hay,adda NISA ee gobolka gedo janaraal Jamaal xasan sareey kuwaasoo arrimo siyaasadeed kala dhaxeeyay maamulka degmadda doolow ee jubbaland. Sidoo kale xeritaanka garoonka degmadda doolow ee gobolka gedo ayaa waxaa horay uga biyo diiday gudoomiyaha degmadda…
Gudoomiyaha degmadda doolow ee gobolka gedo maxamed xuseen cabdi oo si wayn uga soo horjeeday dowladda federaalka isla markaana garab u ahaa jubbaland ayaa la saftau dowladda dhexe. Gudoomiye lafeey ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa caasimada dalka itoobiya waxaana safarkiisa uu daarnaa xalinta qilaafka kala dhaxeeyo dowladda federaalka kaas oo kusoo dhamaaday is afgarad. Waxaa dib loo furi doonaa garoonka degmadda doolow oo dhawr bil xiran waxaana amniga garoonka lagu wareejin doonaa ciidamada nabad sugida waxaana kasoo dagi doona wafti heer federal ah.
Wasiirada dowladda federaalka soomaaliya wasiir fartaag iyo wasiir ilkodheere ayaa qadka tilifoonka kula xeriiray maamulada degmooyinka garbohaareey,b/xaawo,baardheere iyo buurdhuubo kuwaas oo ay oo ay dowladda federaalka soomaaliya gacanta ku hayso. Wasiirada ayaa u sheegay maamuladaas in garbohaareey laga dhisayo jubbaland cusun isla markaana dowladda federaalka ay xarunteeda u wareejin doonto halkaas. Maamulada degmooyinka ayaa lagu amray in ay qabtaan kulamo dadwayne oo lagu taageerayo qorshahaas. Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa codsaday waqti ay bulshada ku wacyigeliyaan iyagoo sidoo kale sheegay inay heshiis la gaareen gudoomiyaha gobolka gedo ee garabka dowladda federaalka cabdulaahi cabdi jaamac (shimbir) kadib muran afar bilood socday. Dadka deegaanka…
Askari katirsan ciidanka daraawiishta jubbaland ee fadhigoodu uu yahay degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah kadib markii uu dil bareer ah u gaystay wiil dhalinyaro shacab oo bajaajle ahaa. Kiiska askarigaan oo ay shalay u fadhiisteen culumadda degmadda b/xaawo ayuu qirtay in uu dilka gaystay. Shucayb cabdi dhaqane ayaa lagu fuliyay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumka uu dilay. Marxuumka uu dilka u gaystay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray c/raxmaan cali oo ahaa bajaajle waxaana dilka uu ka dhacay suuqa reer axmed halkaasi oo la sheegay in si bareer ah uu u dilay…
Xaalada degmadda beledxaawo ee gobolka gedo ayaa ah mid degan kadib mudaharaadyo xooggan oo maanta ka dhacay degmadaasi kuwaas oo sababay in la xiro xarumihii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo bulshada. Shacab caraysan oo qaarkood hubaysan ayaa wadooyinka iyo xaafadaha degmadaasi taayaro ku gubay. Arintan ayaa imaanayso xili shalay duhurkii uu askari katirsan ciidanka jubbaland ku dilay bartamaha suuqa reer axmed wiil shacab ah oo mooto bajaajle ahaa. Qoyska marxuumka ayaa dalbanaya in wiilkooda uu helo cadaalad loona soo gacan galiyo eedaysanaha falka lagu tuhmayo. Askariga falkan ku eedaysan ayaa ilo aan ku kalsoonahay waxaa ay inoo xaqiijiyeen in…
Gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa maanta shir gudoomiyay shirka qamiislaha ee amniga degmadda beledxaawo. Shirka oo ay kasoo qayb galeen xildhibaano katirsan golaha wakiilada jubbaland iyo saraakiisha amniga degmadda ayaa warbixino looga dhagaystay saraakiisha iyadoo diirada la saaray adkaynta iyo xaqiijinta amniga guud ee degmada. Sidoo kale awaamiir ayaa lagu furay ciidamada gaarka ah ee xasilinta degmada inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladaha amni ee ka jira degmadda maadaama ay isbuucyadii lasoo dhaafay ka dhaceen degmadaasi falal amni daro oo kala duwan. Ugu dambayn maamulka degmadda ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada xasilinta iyo kuwa daraawiishta…
Waxaa hadda degmadda b/xaawo ee gobolka gedo ka socda mudaharaad balaaran kaasi oo daba socda joogo wiilkii bajaajlaha ahaa ee uu toogtay askariga.
Askari katirsan ciidanka jubbaland ayaa degmadda beledxaawo ku dilay wiil dhalinyaro oo shacab ah isla markaana ahaa wade mooto bajaaj. Goobjoogeyaal kusugan degmadaas oo inala soo xeriiray waxaa ay inoo xaqiijiyeen askariga dilka gaystay in uu istaajiyay mootada uu oo doonayay inuu baad ku raaco akdibna uu ka dhaga adeegay wadihii mootada waxaana askariga uu xabad la dhacay wiilka taas oo madaxa ka haleeshay.
War goordhaw inaga soo gaaray degmadda beledxaawo ee gobolka gedo ayaa sheegaya in degmadaas lagu dilay qof shacab ah,faahfaahinta dhacdadan kala soco warkanews.com